Isku aadka Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Gobalka Banaadir 2019 oo la sameeyay
Waxaa la sameeyay isku aadka tartanka kubada cagta degmooyinka Gobolka Banaadir 2019,waxaana ka soo baxay isku aad aad u adag.
Munaasabadda isku aadka,waxa ay ka dhacday Magaalada Muqdisho,waxaa ka soo qaybgalay madax ay horkacayso Gudoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basmo Caamir Shakeeti.
Afarta degmo ee sanadkii hore gaartay sama finalka tartanka ayaa kala hogaamiyay afarta Gruop ee degmooyinka Gobolka Banaadir loo qeebiyay.
GrupA,Waxaa isku arkay shan degmo ,ayadoo ay ku Gruop-ka hogaanka u qabatay degmada lagu magacaabo Waaberi oo sanadkii hore koobka ku guuleestaya.
Maritda gaarka ee isku aadka qayb ka sameeyay,waxa uu ahaa laacibkii hore ee kooxda Muqdisho City ex Banaadir SC laacibka lagu magacaabo Ilyas Tiiroow.
Gudoomiye ku xigeenka maamulka Arimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir ayaa ku dhawaaqday in 1-ad Bisha september la baasan doono kulanka ugu horeeyay koobka.
Gruop A,waxaa wada galay degmooyinka kala ah.
Waabari
Holwadaag.
Xamar Weyne.
Warata Nabada
Xamar Jajab.
Gruop B.
Shangaani
Dharkenley
Kaxda
Dayniile.
Gruop C
Hodan
Boondheere
Cabdicasiis
Yaaqshid.
Gruop D.
Shibis
Wadajir.
Hilliwa
Kaaraan.
Gruop-ka ugu adag,waxaa lagu tilmaamay in uu yahay Gruop C,oo ay ku kulmeen Hodan,Boondheere,Yaaqshid iyo Cabdicasiis,xili sidoo kale Gruop A uu yahay mid kale oo halistiisa wata.