Breaking NewsHORYAALADASportsUncategorizedWARARKA MAANTA

Wasiirada dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliya oo Hambalyo u dirtay xulka kubada cagta 15 jirada Somaliya.

Wasiirada dhalinyara iyo ciyaaraha Dowlada Somaliya Marwo Qadiijo Maxamed Diiriye  ayaa hambalyo bogaadin u dirtay xulka kubada cgata Somaliya ciyaaryahanada da’dooda ka yartahay 15-ka sano ,ka dib guul ay ka gaareen xulka Sudan.

Wasiirada ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in ay hambalyo u direeso xulka kubada cagta Somaliya 15 jirada,waxa ay sidoo kale bogaadisay xulka,ayadoo tilmaamatay in ka wasaarad ahaan ay aad u soo dhaweenayaan guusha xulka 15 jirada Somaliya.

Ugu dambeentii wasiirada ayaa sheegtay in wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha ay sii laba jibaari doonto hormarinta ciyaaraha Somaliya,ayadoo diirada saarayso jiilka cusub ee dhalinyarada ah si ay mustaqbalka dhow ay u matalaan xulka waa weyn ee Somaliya.t

Xulka kubada cagta Somaliya ayaa guul 2-0 ah ka gaaray xulka Sudan,ka dib markii ay ku kulmeen kulan katirsan koobka Ceecafa u15 2019.

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button