Breaking NewsHORYAALADASOOMAALIYASportsUncategorizedWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Degmadda Axmed Dhagax oo Noqotay Degmaddii Labaad ee iska Xaadirisay Semi Finalka, Tartanka Degmooyinka Caasimadda Hargeysa,

Tartanka Degmooyinka Caasimadda Hargeysa 2019: Degmadda Axmed Dhagax oo Noqotay Degmaddii Labaad ee iska Xaadirisay Semi Finalka, kadib Markii ay 1:0 kaga Guuleysatay 26 June

Degmadda Axmed Dhagax ayaa maalintii Shalay iska xaadirisay Wareegga Afar dhammaadka (Semi Finalka) Tartanka Degmooyinka Caasimadda Hargeysa, kadib markii ay guul ka gaadhay Degmadda 26 June.

Kulankan oo Degmo walba u ahaa ciyaartoodii 3-aad ee Groups-ka, taas oo ay xusid mudan tahay in Degmadda Axmed Dhagax ay wadatay 6-dhibcood, halka Degmadda 26 June iyana sidatay 3-dhibcood.

Kulankan ayaa ahaa midkii ugu adkaa uguna xamaasadda badna tan iyo intuu socday taranku, waxaana qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay barbar dhac 0:0 ah, qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa labadda Degmaba soo ban-dhigeen ciyaar farsamadeedu sareyso oo weerar iyo weerar celis ahaa.

Daqiiqaddii 79-aad waxaa Degmadda Axmed Dhagax ay la timid goolkii furitaanka u ahaa ciyaarta, sidoo kalena ahaa midka ay ku hantiyeen guusha ciyaarta ee 3-da dhibcood, waxaana ay sidaas ku noqdeen Degmadda labaad ee u gudubtay Wareegga Afar dhamaadka tartanka Degmooyinka Caasimadda Hargeysa, waxaana ay kaalinta 1-aad ee Group A 9-dhibcood ku hogaaminaya Axmed Dhagax.

Dhanka kale waxaa iyaguna Maanta
wada ciyaaraya labadda Degmo ee Gacan Libaax iyo 31 May oo ka tirsan Group A, oo mid kasta ciyaartani u tahay toodii 3-aad, waxaana xusid mudan in Gacan Libaax keliya ay u baahan tahay dhibic keliya si ay kaalinta 2-aad ee Group A u cidhiidhsato maadaama ay 3-dhibcood sidato. Degmadda 31 May ayaa iyana u baahan guul iyo 2-gool oo saafiya si ay kaalinta 2-aad u gasho, maadaama ciyaarna laga guuleystay midna si sharciya looga wareejiyey dhibcihii kulankii ay Axmed Dhagax ka guuleysteen.

Waxaa maalintii Berito wada ciyaari doona haddii ALLE idmo labadda Degmo ee Ibraahim Koodbuur oo 6-dhibcood leh iyo Macalin Haaruun oo 1-dhibic sidata oo ka wada tirsan Group B, Degmo walbana waa u kulankii 3-aad.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button