Breaking NewsHORYAALADASOOMAALIYASportsUncategorizedWARARKA MAANTA

Xulka kubada cagta Somaliya oo markii ugu horeesay guuleestay kulan ka tirsan isrebrebka koobka Aduuka

Xulka kubada cagta Somaliya ayaa guul weyn ka gaaray xulka kubada cagta zimbabwe,ka dib markii ay ku kulmeen lugta hore isrebrebka koobka aduunka 2022.

kulankaan ,wuxuu ka dhacay dalka Jabuti oo Somaliya u ah Home,wuxuuna ahaa mid aad u adag wuxuu ku soo dhamaaday 1-0 uu ku badiyay xulka Somaliya.

kulankaan,waxaa Somaliya ka soo muuqday ciyaaryahano cusub oo qaarkood u ciyaara kooxo ka dhisan yurub iyo America.

Waxa ay ciyaarta ku bilaabatay weerar iyo weerar celisa xulka Somaliya oo marti loo ahaa ayaa dhowr iskuday sameeyay,balse ma ayna suuragalin.

Qaybtii hore ee ciyaarta waxa ay ku soo dhamaatay 0-0 oo ay labada xul isla dhaafi waayeen,waxa ayna qyabtii hore soo bandhigeen labada xul ciyaar aad u wanaagsan.

Qaybtii labaad ee ciyaarta markii ay bilaabatay waxaa halkii ka sii socday weerarka xoogan uu sameeyay qyabtiii hore xulka Somaluya.

Laacibka kooxda Elman  FC  Anwar Shankuda oo ciyaarta badal ku soo galay ayaa xulka Somaliya ka qasaariyay kubad ku timid weerar rogaal celis ah.

Somaliya oo lagu helay fursad qaali ah ayaa waxaa ka badbaadiyay laacibka goosha u ilaaliyay kooxda Muqdisho City Saciid Aways.

Ciyaarta oo ay ka harsantahay wax ka yar 10 daqiiqo Somaliya ayaa heshay goolka guusha,waxa uu ahaa gool ka yimid gees Midig ,waxaa madax ugu dhaliyay Somaliya laacibka lagu magacaabo Anwar Siid Cali Shankuda daqiqiadii 85-aad.

Ugu dambeentii ciyaarta,waxa ay ku soo dhamaatay 1-0 uu ku badiyay xulka qaranka Somaliya,wuxu tobaadka soo aadan kulanka labaad ka dhici doonaa dalka  zimbabwe.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button