Breaking NewsHORYAALADAUncategorizedWARARKA MAANTA

Tababare Caan ah oo soo tababaray 55 kooxood oo geeriyooday isagoo da’diisu tahay 93 sano.

Tababare Rudi Gutendorf, oo horay ugu guuleestay  rikoorka Guinness World Record soona tababaray  55 kooxood oo ka dhisan  32 dal oo ku kala baahsan shan qaaradood, ayaa dhintey isagoo da’diisu tahay 93 jir.

Xilligiisa tababarnimo  ee Gutendorf wuxuu socday nus qarni, marka lagu daro waqtiga  kooxaha heerka koowaad ee dalkiisa Jarmalka iyo 18 xul oo ay ku jiraan Australia, China Fiji.

Rudi’ wuxuu qaatay doorkiisii ugu horeeyey ee maamulka kooxda reer Swiss Blue Stars Zurich sannadihii 1950- halka shaqadiisii ugu dambaysay ee maamulka uu soo noqday soo gabagabeeyay 2003.

Gutendorf wuxuu sidoo kale tababare u soo noqday toddobo dal oo Afrika ah -oo ay ka midyihiin  Botswana, Tanzania, Sao Tome e Principe, Ghana, Mauritius, Zimbabwe iyo Rwanda.

Madaxweyne ku xigeenka xiriirka kubada cagta Jarmalka, Dr Rainer Koch, wuxuu ugu yeeray “safiir aad u wanaagsan oo kubada cagta Jarmalka”.wax badan ku soo kordhiyay.

“Waxaan luminay qof baaqi ku sii ahaan doono qalbiyadeena xanuunka geerida waxaa la qaybsanaynaa ” qoyskiisa ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka xiririka kubada cagta Jarmalka.

Rudi Gutendorf: ,wuxuu ahaa nin si weyn loogu xushmeeyo kubada cagta,hormarkiisa kubada cagta,waxa uu ku muteestay in uu galo liiska Guinness World Record.

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also
Close
Back to top button