Breaking NewsHORYAALADASOOMAALIYASportsUncategorizedWARARKA MAANTA

Degmad Waaberi oo guul muhiim ah ka gaartay dhigeeda Howlwadaag.

Degmada difaacanayso koobka kubada cagta degmooyika Gobolka Banaadir ee Waaberi ayaa gaartay maanta guushii labaad oo xiirir ah,ka dib markii ay 2-0 kaga badisay degmada Howlwadaag oo ay ku wada jiraan Group A.

kualnkaa,wuxuu ahaa mid aad u adag a oo kulankii hore soo guulestay iyo Waaberi oo kulankii hore soo dhaaftay degmada Xamar Jajab ayuu ka dhaxeeyay.

Waaberi ayaa heshay goolkii kowaad ee ciyaarta daqiiqadii 5-aad,waxaa goolkaa u dhaliyay No:Osmaan Bashii Aadan Shiine.

Howlwadaag oo sameesay dhowr iskuday ayaa u soora galin in ay goolka dhasi hesho,ayadoo Waaberi heshay goolkii kowaad ee ciyaarta intii lagu guda jiray qyabta hore ,waxaana goolkaa u dhaliyay laacibka lagu magacaabo Osmaan Bashii Aadan oo kulankaan laba jeer shabaqa gaaray daqiiqadii 26-aad.

Qaybtii hore kulankaan,wuxuu ku soo dhamaaday 2-0 oo ay ku hogaaminayso degmada lagu magacaabo Waaberi.

Qaybtii labaad marka ay bilaawatay,waxa halkeedii ka sii socday bandhigeen ay soo bandhigaayeen labada degmo.

Ugu dambeentii ciyaarta,waxa ay ku soo dhamaatay 2-1 oo ay ku badisay degmada koobka difaacanayso ee Waaberi oo kulankaan u ahaa kii labaad halka Howlwadaag u ahaa kii sedexaad,waxa ay heestaan hal kulan.

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also
Close
Back to top button