Breaking NewsHORYAALADASOOMAALIYASportsWARARKA MAANTA

Degmada Shibis oo iska qasaarisay fursad ay ku tagi lahayd wareegga sideed dhamaadka

Degmada Shibis ayaa maanta wajahday dhigeeda Hiliwaa,kulan ka tirsan tartanka kubada cagta degmooyinka Gobolka Banaadir 2019.

kulankaan ,wuxuu ahaa mid aad u adag,balse,wuxuu ku soo dhamaaday 1-1 oo ay labada degmo isla dhaafi waateen,waxa ayna soo bandhigeen kubada aad u qurux badan.

kulankaan,wuxuu ku bilaawday si xoogan,waxa ay labada kooxood baadi goobayeen in ay midka midka kale ka guuleesato,balse midaa ma dhicin.

Shibis ayaa heshay goolkii kowaad ee ciyaarta daqiqiadii 12-aad,waxaa u dhaliyay laacibka lagu magacaabo Abdifitaah Ali.

kulankaan qaybtii hore,wuxuu ku soo dhamaaday 1-0 oo ay ku hogaaminayso degmada sanadkii hore finalka timid ee Shibis.

Markii dib la iskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta labada degmo ,waxa ay halkoodii ka sii wadeen bandhigee qurxanaa kooxda Shibis ayaa kubada heesashada fiicneed qaybtii hore,balse qaybtii labaad,waxaa la wareegtay dgemada Hiliwaa.

Daqiiqadii 59-aad degmada Hiliwaa,waxa ay heshay goolkii bareejada ahaa,waxaana u dhaliyay laacibka lagu magacaabo Najiib Xiinkeey.

Ugu dambeentii ciyaarta,waxa ay ku soo dhamaatay 1-1 ooa y labada degmo isla dhaafi waayeen,ayadoo Shibis iska qasaarisay fursad weyn si lamid ah Shibis.

 

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button