Breaking NewsHORYAALADASOOMAALIYASportsUncategorizedWARARKA MAANTA

Degmooyinka Warta Nabada iyo Xamarweyne oo bareejo ku hishiiyay.

Degmooyinka kala ah Warta Nabada iyo XamarWeyne ayaa maanta ku kulmay kulan ka tirsan tartanka kubada cagta degmooyinka Gobolka Banaadir 2019.

kulankaan,wuxuu ka mid ahaa Group A,waxa uuna ahaa mid aad u adag,waxa ay labada degmo isla dhaafi waayeen bareejo 1-1 ah.

ciyaarta,waxa ay ku bilaawatay si xoogan labada degmo ayaa soo bandhigay ciyaar aad u qurux badan,waxa ay ciyaartaan ku soo dhamaatay qaybtii hore bareejo 0-0 ah.

Markii dib la iskugu soo laabtay qyabtii labaad ee ciyaarta daqiiqadii 45-aad ,Degmada Warta Nabda ayaa heshay goolkii kowaad ee ciyaarta,waxaa goolkaa u dhaliyay laacibka lagu magacaabo Maxamed Xasan.

Shan daqiiqo ka dib degmada Xamar Weyne ayaa heshay goolkii bareejada ahaa ,waxaa goolkaa u dhaliyay Abdirahman Baala.

Ugu dambeentii ciyaarta,waxa ay ku soo dhamaatay 1-1 oo ay labada degmo isla dhaafi waayeen.

Group A,wali lama xaqiijin degmooyinka haray iyo kuwa soo baxay,balse wax kasta,waxa ay kala cadaan doonaan marka la ciyaaro kulamaada ugu dmabeeya Group A.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also
Close
Back to top button