Breaking NewsHORYAALADASportsUncategorizedWARARKA MAANTA

SAWIRRO:Degmada kaaraan oo ka hartay tartanka kubada cagta degmooyinka Gobolka Banaadir 2019.

Degmada kaaraan ayaaa guud ahaan macsalaameesay tartanka kubada cagta degmooyinka Gobolka Banaadir 2019.

kulankaan,wuxuu ku soo dhamaaday 2-1 oo ay ku soo badisay degmada Wadaji ee Gobolka Banaadir taasi,waxa ay sababtay in degmada kaaraan koobka iskaga harto.

Daqiiqadii afaraad Abdihamiid Ali ayaa degmada Wadajir u dhaliyay goolkii kowaad ee ciyaarta,wuxuu ahaa goolkaas mid aad u qurux badan.

Qaybtii hore kulankaan,wuxuu ku soo dhamaaday 1-0 oo ay ku hogaaminayso degmada Wadajir.

Qaybtii labaad ee ciyaarta degmada Wadajir ayaa heshay goolkii labaad ee ciyaarta daqiiqadii 49-aad.waxaa goolkaa u dhaliyay laacibka lagu magacabo Maxamed Ibraahim Xaayow.

Maxamuud Cali ayaa degmada kaaraan gool u soo celiyay daqiiqadii 75-aad,balse goolkaas kama celin degmada kaaraan in koobka ay ka harto.

Ugu dambeentii ciyaarta,waxa ay ku soo dhamaatay 2-1 oo ay ku badisay degmada Wadajir sidaas waxaaa koobka uga haray degmada kaaraan oo laba kulan laga badiyay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button