Breaking NewsHORYAALADASOOMAALIYASportsUncategorizedWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Tartan kubada cagta ah oo lagu soo gabagabeeyay Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

Degmada Xudur ee Gobolka Bakool,waxaa lagu soo gabagabeeyay tartan kubada cagta ah oo mudooyinkii ugu dambeeyay ka socday garoonka weyn ee ku yaala Magaalada Xudur.

kulankii kama dambeesata ahaa,waxaa iskugu horyimid kooxaha kala ah Mamageediya iyo Buriya FC,waxa ay soo bandigeen kubada aad u qurux badan.

koobka,waxaa ku guuleestay kooxda MaamaGediya oo koobka ku qaaday gool ku laadyo 4-3 ah.

Wasiirka Wasaarada Caddaalada iyo Garsoorka DGKGS ayaa ka qayb galay Cayaar Final aheyd oo ,asiga oo aad u amaanay labada kooxood ee soo bandhigay ciyaar wanaag.

 

Wasiir Maxamed Xuseen oo ka hadley gudoonsiintii koobka ee kooxdii guuleysatey waxa uu dhalinyarada xudur usheegey in yihiin kuwa Guuleystey oo kasoo gudbey marxaladi kala duwan aysoo mareen maantana ay beeranayan mirihii ay soo Abuureen kulana dardaarmey in ay dadaalkooda sii badiyaan oo ay guusha ka gungaaraan.

Si kastaba ,waxaa jiro kooxo badan oo heerka kowaad ciyaara oo ka dhisan Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also
Close
Back to top button