Breaking NewsHORYAALADASOOMAALIYASportsUncategorizedWARARKA MAANTA

Degmada shangaani oo markii labaad oo xiriri ah u soo baxday heerka afar dhamaadka ee Koobka kubada cagta degmooyinka G.Banaadir 2019.

Degmada Shangaani ayaa markii labaad oo xiriir ah u soo baxday heerka afar dhamaadka ee Koobka kubada cagta degmooyinka Gobolka Banaadir 2019.

Degmooyinka Shangaani iyo Hiliwa ayaa wada ciyaaray kulankii labaad kulamada sideed dhamaadka koobka degmooyinka,wuxuu ahaa kulankaan mid aad u daga,waqtigii caadiga ahaa,wuxuu ku soo dhamaaday bareejo 2-2 ah,balse degmada Shangaani ayaa gool ku laadyo 4-3 ku badisay.

Asad Axmed ayaaa Hiliwa u dhaliyay goolkii kowaad ee ciyaarta daqiiqadii 13-aad,waxa uu ahaa gool niyad jab ku bilaaway kooxda  degmada Shangaani.

intii lagu gudajiray qyabtii hore ee ciyaarta degmada Shangaani ayaa heshay goolkii bareejada ahaa,waxaa u dhaliyay laacibka lagu magacaabo Axmed Shiikh daqiiqadii 17-aad.

Qaybtii hore ee ciyaarta,waxa ay ku soo dhamaatay 1-1 oo ay labada degmo isla dhaafi waayeen.

Markii dib la iskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta,waxaa halkeedii ka sii socday weerarada xoogan oo ay labada degmo daqiiqad kasta midka midka kale ku weeraraayay.

laacibka lagu magacaabo Khaalid Messi ayaa Hiliwa u dhaliyay goolkii labaad ee ciyaarta daqiiqadii 74-aad,wuxuu u muuqday gool qalbi jabiyay taageeryaasha degmada Shangaani.

Ciyaarta oo dhamaad u dhow kooxda Shangaani,waxa ay heshay gool Regoore ahaa,waxaa regooradaas gool ugu badalay laacibka lagu magaaabo Maxamed Axmed Maxamed daqiiqadii 80-aad.

Ugu dambeentii ciyaarta,waxa ay ku soo dhamaatay 2-2 oo ay labada degmo isla dhaafi wayaeen,balse waxaa la aaday gool ku laadlyo sida uu qabo sharciga kubada cagta maadaama labada degmo kaliya la doonaayo in ay hal degmo ka soo baxdo.

Gool kulaadyada ugu dmaeentii Shangaani ayaa ku badisay 4-3 labada gool ku laadyo ayaey iska qasaariyeen degmada Hiliwaa halka Shangaani ayna iskalumin Hal regoore.

Shangaani ,waxa ay sidaas ku wajihi doontaa degmada Waaberi oo koobka daafacanayo.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button