Breaking NewsHORYAALADASOOMAALIYASportsTechnologyUncategorizedWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Degmada Waaberi oo markii shanaad oo xiriir ah u soo baxday sama finalka koobka degmooyinka G.Banaadir 2019

Degmada difaacanayso koobka kubada cagta degmooyinka Gobolka Banaadir ee Waaberi ayaa markii shanaad oo xiriir ah gaartay sama finalka koobka kubada cagta degmooyinka Gobolka Banaadir.

Waaberi ayaa kulankii ka tirsanaa sideed dhamaadka wajahday degmada yaaqshid oo sanadkaan mudo ka dib u soo baxday wareega bug baxda.

kulankaan,wuxuu ku soo dhaamaday 1-0 oo ay ku badisay degmada Waaberi,wuxuu ahaa mid aad u adag labada degmo,waxa ay soo bandigeen ciyaar aad u qurux badan.

kulankaan,wuxuu ku bilaawday si xoogan,ayadoo degmada Yaaqshid ahayd degmada iskudayada badan sameeyay,balse uma ayna suuragalin in ay gool u badasho.

Laacibka lagu magacaabo Cismaan Bashiir Aadan ayaa ahaa dhaliyaha gool guusha,wuxuu u ahaa goolkaan goolkii sedexaad uu ka dhaliyo tartanka kubada cagta degmooyinka Gobolka Banaadir 2019.

Ugu dambeentii ciyaarta,waxa ay ku soo dhamaatay 1-0 oo ay ku badisay degmada Waaberi waa markii shanaad oo afar dhamaadka tartanka degmooyinka soo gaarto.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button