Breaking NewsHORYAALADASOOMAALIYASportsWARARKA MAANTA

D/Xamar Jajab oo mudo ka dib markii ugu horeesay u soo baxday wareegga afar dhamaadka tartanka kubada cagta D.G.Banaadir.

Degmada D/Xamar Jajab.ayaa guul weyn ka gaartay dhigeeda Hodan,ka dib markii ay ku kulmeen wareegga Afar dhamaadka ee koobka kubada cagta degmooyinka Gobolka Banaadir 2019.

kulankaan,wuxuu ahaa mid aad u adag,wuxuuna ku soo dhamaaday 2-1 oo ay ku badisay degmada D/Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

kulankaan,wuxuu ku bilaawday si xoogan,waxa ayna labada degmo soo bandigeen ciyaar aad u qurux badan,ayadoo bandhigii kulakii galabta ay aad ugu riyaaqdeen daawadayaashii garoonka joogay.

kulankaan,wuxuu qyabtii hore ku soo dhamaaday 0-0,ayadoo labada degmo iska qasaariyeen fursado gool loo filan karay,balse ayna noqon.

Markii dib la iskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta kooxda D/Xamar Jajab. ayaa heshay goolkii kowaad ee ciyaarta,waxaa goolkaa u dhaliyay laacibka lagu magacaabo Cumar Maxamed daqiiqadii 63-aad.

Hodan oo ay xaalada ku xumaatay ayaa dhowr jeer weerar xooga qaaday,balse,waxaa D/Xamar Jajab. goolkii labaad u dhaliyay laacibka lagu magacaabo cabdinaasir Maxamed daqiiqadii 67-aad, afar daqiiqo,ka dib markii ay D/Xamar Jajab dhalisay goolkii kowaad.

Tababaraha Hodan oo sameesay badalo xoogan,ayaa gool keenya,waxa goolkaa Hodan u dhaliyay laacibka lagu magacaabo Yaxye Biibaaaye daqiiqadii 72-aad.

Ciyaarta oo dhamaad ku dhow Hodan ciyaaryahan ayaa ka qaatay Roose,waxa ay ku dhameesteen ciyaarta 10 ciyaaryahan,ayadoo ciyaarta ka dhineed daqiiqado yar.

Weerar kasta oo ay Hodan sameesay,ugu dameentii ciyaarta ,waxa ay ku soo dhamaatay 2-1 oo ay ku badisay degmada D/Xamar Jajab.,waxa ay taasi u ahayd D/Xamar Jajab taariikh weyn.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button