Breaking NewsHORYAALADASOOMAALIYASportsUncategorizedWARARKA MAANTA

Degmada Dharkenley oo 8 sano ka dib u soo baxday Finalka tartanka kubada cagta degmooyinka G.Banaadir

Degmada Dharkenley ayaa mudo sideed sano ah ka dib ah u soo baxday Finalka tartanka kubada cagta degmooyinka Gobolka Banaadir 2019,ka dib markii gool ku laadyo 4-2 ah kaga badisay degmada Xamar-Jajab.

kulankaan oo ahaa mid aad ua dag,waxa ay labada degmo soo bandigeen ciyaar aad u qurux badan,labada qaybood ee ciyaarta,waxa ay ku soo dhamaatay 0-0.

Sida uu sharciga qabo,waxaa la aaday gool ku laadyo,ayadoo ugu dambeentii gool ku laadyadyo 4-2 ah,waxaa ku soo baxdayday degmada Dharkenley,waxa ay tani u ahayd markii ugu horeesay mudo sideed sano ka dib ah.

Dharkenley,waxaa ugu dambeesay in ay heerkaan soo gaarto 2011,markaas waxa ay 1-0 koobka ka qaaday degmada Yaaqshid.

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button