SAWIRRO:Xulka qaranka Soomaaliya ee ciyaarta Taekwondo oo bilaabay u diyaar Garoowa Olympic aduunka 2020.
Ciyaaryahanada xulka qaranka Soomaaliya ee ciyaarta Taekwondo-ga ayaa bilaabay tababar culus oo ay ugu diyaar garoowayaan ciyaaraha Olympic aduunka 2020 lagu qaban doono dalka Japan.
ciyaartooyda xulks qaranka ee Taekwondo-ga ,wuxuu tababarkoodii ugu horeeyo ka bilaaban doono dalka wadanka Waqooyiga Koriya,waxa ay ka qeyb galayaan tababar socondoona sedex isbuuc oo looguugu tala galey in ciyaartooyda Taekwondo-ga Qaranka Soomaaliyeed looguugu diyaariyo ciyaaraha Olombikada Aduunka ee Tokyo 2020 oo ka dhico doono wadanka Japan magaaladiisa Tokyo bisha August 2020.
Mar uu waraysi ina siiyay Gudoomiye Ku xigeenka 1aad ahna Madaxa Xiriirada Caalamiga Inj. Ahmed Issa Kirish ayaa waxuu inoo sheegay in xulka qaranaka Taekwondoga Soomaaliyeed looga soo xulay inay matalaan labo qofood oo kala ah wiil iyo gabar – Muniraha Abdiwaahid (-59Kg) iyo Mohamed-Ciid Warsame (-68Kg) ahna ciyaartooy iyo tababare ku xigeenka xulka qaranka Taekwondo-ga Soomaaliyeed.
Waxa uu bilaaban doonaa safarkoodi 21-ka November 2019 ,ayagoo soo qaadan doono tababar xoogan oo ay ugu diyaar garoowayaan ciyaaraha Olombikada Aduunka – oo snaadka soo aadan lagu qaban doono magaalada Tokyo 2020.
xulka qaranka Soomaaliya ee ciyaarta Taekwondo tartamadii ugu dambeeyay oo ay ka qaybgaleen ,waxa ay ka soo hooyeen guulo wa weyn,ayagoo hada durba bilaabay tababar ku saabsan ciyaaraha Olombikada Aduunka
http://somali-teakwondo.com
@TaekwndoSomalia