halyeeyga Roma Daniele de Rossi oo ciyaaraha ka fariistay isagoo da’diisu tahay 36
Xiddiga ku guuleystay Koobka Aduunka ee Daniele de Rossi ayaa ku dhawaaqay inuu ciyaaraha ka fadhiistay isagoo jira da’da 36 sano.
De Rossi ayaa ka tagay kooxda reer Argentine Boca Juniors, oo uu ku soo biiray xagaagii hore , waxaana uu soo gabagabeynayaa 18 sano oo kubada cagta ku guda jiray.
Kahor inta uusan ku biirin Boca, De Rossi wuxuu ku soo qaatay xirfadiisa oo dhan kooxda ka ciyaarta horyaalka Serie A ee Roma, kaasoo uu u ciyaaray 616 jeer.
Tababaraha reer Talyaani, oo ku guuleystay Koobkii Adduunka 2006, ayaa u sheegay shir jaraa’id inuu ka fadhiisanayo inuu waqti badan la qaato qoyskiisa.
De Rossi ayaa yidhi: “Waxaan ka soo shaqeeyay sports-ka waxaanan awooday in aan qabto shaqadii aan doonayay.”
“Waxaan ku faraxsanahay nolosheyda, waxaan ka soo ciyaaray labo koox oo aan aad u jeclahay
De Rossi ayaa ah ciyaaryahanka afaraad ee ugu safashada badan xulka Italy isagoo u saftay 117 kulan, Francesco Totti ayaana ah ciyaaryahanka kaliya ee u saftay Roma marka loo fiiriyo qadka dhexe laacibiinta ka soo muuqday.
Wuxuu diiday dalab ku saabsan doorka agaasime ee Roma dhamaadka xilli ciyaareedkii hore wuxuuna u saxeexay Boca inuu sii wato xirfadiisa ciyaareed, laakiin wuxuu ka soo muuqday kaliya lix kulan, inta badan dhaawaca ayuu ku maqnaa.
“Xaqiiqdii mustaqbal kubadeed oo cajiib ah ayaa soo gabagaboobay,” ayuu yiri Roma.
“Waad ku mahadsantahay xasuus badan oo cajiiba, Daniele.”