Edinson Cavani: Weeraryahanka reer Uruguay wuxuu kusii nagaanyaa PSG inkasta oo uu codsaday in uu baxo
Paris St-Germain ayaan iibin doonin weeraryahankooda Edinson Cavani inta uu furanyahay suuqa kala iibsiga bisha Janaayo, inkastoo xiddiga reer Uruguay uu codsaday inuu ka tago kooxda.
Cavani, oo 32 jir ah, ayaa codsaday inuu ka tago kooxda heysata horyaalka France ee PSG iyadoo ay xiiseynayaan kooxda reer Spain ee Atletico Madrid kooxo ay ka midyihiin.
PSG wax qorshe ah oo ay ku iibiso weeraryahan ma aysan helin wax dalab ah oo ku habboon.
Cavani ayaa kaliya lix bilood uga harsan tahay qandaraaskiisa waxaana sidoo kale lala xiriirinayay Manchester United iyo Chelsea.
Tababaraha Chelsea Frank Lampard ayaa Cavani ugu yeeray “ciyaaryahan weyn” ka dib markii lala xiriiriyay weeraryahanka horaantii bishaan.
“Waxa aan heshiis la gaarnay majirto” ayuu agaasimaha isboortiga PSG Leonardo u sheegay L’Equipe.
“Waligeey kuma fikirin inaan iska iibino. Hal mar ayaan furay wadahadalada, laakiin ma jirin wax heshiis ah. Lix sano iyo bar oo uu kooxda ka midyahay labo isbuuc oo wadahadal ah.”ayuu helay.
Isagoo ka hadlayey jimcihii, Tababaraha PSG Thomas Tuchel ayaa intaa ku daray: “Waxaa jira xaalado ka sii xun marka laga joogo sii joogista PSG. Waxa uu dareemayaa wanaag waxaana uu u baahan yahay inuu kalsooni helo oo uu raadkiisa ku helo. Edinson waa ciyaaryahan u weyn kooxda.”