Bayern MunichJuventusLa LigaMAN UNITEDReal MadridS.KALA IIBSIGAWARARKA MAANTA

James Rodriguez ma wuxuu dooran doonaa Manchester United mise Juventus’ ?

Wakiilka weeraryahanka Real Madrid James Rodriguez ayaa lagu soo waramayaa inuu xiriir la sameeyay kooxaha Manchester United iyo Juventus iyagoo ka wada hadlay sidii xiddiga looga soo dhaqaajin lahaa Bernabeu.

Weeraryahanka reer Colombia ayaa la filayaa inuu isaga tago Madrid intii uu suuqa furnaa xili ciyaareedkan waxaana lagu heli karaa ugu badnaan €30m oo u dhiganta (£26.3m).

United ayaana la aaminsan yahay iney aad u xiiseyneysay laacibka koofurta america sida laga soo xigtay wargeyska AS, Rodriguez’s wakiilkiisa Jorge Mendes ayaana wadahadalo la yeeshay Red Devils.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegeysa in wakiilka kubad sameeyahan uu la xiriiray kooxda Juventus,maadaama kooxda heysata horyaalka Talyaaniga ay ka fekereeyso in marka suuqa uu furmo lasoo wareegto weeraryahankan xulka Colombia.

Rodriguez ayaa xilli ciyaareedkii 2017-18 iyo 2018-19 si amaah ugu soo ciyaaray kooxda Bayern Munich ka hor inta uusan xagaagii hore dib ugu soo laaban Los Blancos.

28-sano jirkan ayay ku adkaatay in uu boos joogto ah ka helo kooxda koowaad ee Zinedine Zidane, isagoo keliya dhaliyay hal gool 13 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan xili ciyaareedkan uu beneday caabuqa Covid19.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button