AFRICAArsenalBarcelonaBreaking NewsHORYAALADAInterPremier LeagueS.KALA IIBSIGAWARARKA MAANTA

Madaxweynaha XKCG: Aubameyang Weeraryahanka Arsenal waa inuu ku biiro ‘koox hami badan’

Madaxweynaha xiriirka kubada cagta Gabon ayaa ugu baaqay weeraryahan Pierre-Emerick Aubameyang inuu “sugo heshiis ka yimaada koox hami weyn,” oo noqon karta mid uu guulo la qeybsan karo.

Weeraryahankan ayaa xilli ciyaareedkii hore qeyb ahaan ku guuleystay gooldhalinta Premier League isagoo dhaliyay 22 gool.

Qandaraaskiisa uu kula joogo kooxda Arsenal ayaa ku eg dhamaadka 2020-21.

“Xilligan la joogo, wuxuu joogaa Arsenal, waxna kulama uusan guuleysan halkan, marka waa guuldarro guud,” ayuu yiri Pierre Alain Mounguengui oo la hadlay ESPN.

Ma doonayo inaan iraahdo Arsenal ma ahan koox hami leh, laakiin Arsenal iilama muuqato ilaa xiligaan koox ku guuleeysan karta wax badan, marka la barbar dhigo kooxaha kale ee Yurub” Ayuu raaciyey.

Bishii la soo dhaafay, maamulaha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa sheegay inuu doonayo inuu sii hayo Aubameyang “xaalad kasta oo jirta” isla markaana kooxda ay u baahan tahay inay kala hadasho heshiis cusub ka hor dhamaadka xilli ciyaareedka.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Gabon ayaa u dhaliyay Gunners 20 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkaan hakadka kujiro 2019-20 waxaana ciyaaryahankan bar-tilmaameedsanaya ilaa hadda kooxaha Barcelona iyo Inter Milan.

“Haddii Pierre uu sugi karo heshiis uu la galo koox hami weyn, wuxuu xaqiiqdii kula guuleysan karaa Koobab,” ayuu yiri Mounguengui.

“Dhamaan dadka reer Gabonese waxay u arkaan Aubameyang inuu meel ka sareeysa halkaan ku dhameysan karo mustaqbalkiisa ciyaareed koox weyn,ku guuleysan karo koobab shaqsiyadeed.”ayuu yiri.

Tan iyo markii uu ugu biiray Arsenal £ 56m oo ay kaga soo qaateen Borussia Dortmund bishii Janaayo 2018, Aubameyang wuxuu la kulmay guuldarooyin ka soo gaaray finalka Europa League iyo Carabao Cup welina Gunners kulama uusan guuleysan wax koob ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button