ChelseaHORYAALADAPremier LeagueSportsWARARKA MAANTA

Waa Kuma Xiddiga keligii ku tababaranaya garoonka Stamford Bridge ?

Laacibka kooxda Chelsea Marco van Ginkel ayaa lagu dhex arkay isagoo tababar ku qaadanaya garoonka Stamford Bridge maadaama naadiga Chelsea horey ushaacisey in ciyaartoydooda degan meel u dhow garoonka Stamford Bridge inay awood u leeyihiin inay ku dhameystaan ​​tababar shaqsiyadeed oo garoonka dhexdiisa ah.

xiddigo aad u badan oo ka ciyaara Premier League ayaa ka qeyb qaadanaya nasiinada guriga iyadoo ciyaartoy badan ay guryahooda ku ciyaaraan maadama la xiray garoomada iyagoo jimicsi sameynaya maadaama xayiraad guud iyo Bandoow uu sababay curudka dilaaga ah ee coronavirus.

Lakiin Blues ayaa garoonkooda u furay xubnaha kooxdooda ee degan meel aan ka fogeeyn garoonka Stamford Bridge si ay tababar shaqsi ah ugu sameeyaan.

Wiilasha u dhow halkaan garoonka ayaa tababar ku sameeyn kara,marka aniga ayeey ii wannaagsan tahay. waa inaad adiga iskaa isu tababarto waa uun inaad caajiska iska qaadaa. ayuu u sheegay,’ PSV TV.

Ciyaaryahanka Khadka dhexe ayaa soo dhigay bartiisa Instagram Muuqaal Video isagoo Tababar sameeynaya isagoo ku xardhay: ‘Waan Ku Faraxsanahay Inaan ku Noolahay Meel u dhow Garoonkeeyga oo aan tababar ku qaadanayo.’

Van Ginkel ayaa weli ka shaqeeynaya sidii isagoo Taam ah garoomada ugu soo laaban lahaa, kadin dhaawac halis ahaa oo Jilibka oo uu garoomada muddo kaga maqnaa,

Jose Mourinho ayaa kooxda Maamulayey xiligii ciyaaryahankan khadka dhexe ugu danbeeysay inuu u dheelo Chelsea wuxuuna tan iyo xiligaa si amaah ugu soo ciyaaray kooxaha AC Milan, Stoke City iyo PSV Eindhoven.

Ciyaaryahankan Holandes-ka ayaa Dutchman captain u ahaa kooxda PSV ee ku guuleysatay horyaaka Eredivisie bishii May 2018 laakiin tan iyo xiligaa ma ciyaarin kulan rasmi ah, kadib markii Lix maalin gudaheed uu maray saddex qaliin culus xagga Jilibka ah.

Van Ginkel heshiiskiisa Chelsea ayaa ku eg dhamaadka xili ciyaareedkan hakadka kujira, Laakiin saraakiisha Blues ayuu ka dhursugayaa iney labbo sanno heshiis cusub ka saxiixaan iyo inkale wallow weli uusan jirin wax wada haddal arinkaasi ku aadan.

Frank Lampard oo hadda kooxda tababara ayaa ciyaaryahan ahaa xiligii ay Chelsea Van Ginkel kasoo iibsatay Vitesse Arnhem iyagoo kusoo qaatay adduun dhan £8million laakiin Affar kulan oo keliya ayuu kooxda u dheelay tan iyo sanadkaa 2013.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button