Madaxii xiriirka Caalamiga ee XSKK Eng Baana oo London ku geeriyoodey DAAWO WAREYSIGIISA U DANBEEYEY
Allaha u Naxariistee waxaa dalka England gaar ahaan Isbitaal kuyaala magaalada London ku geeriyoodey Madaxii xiriirka Caalamiga ee Xiriirka Kubadda Koleyga Soomaaiya Eng, Baana Cabdalla Cali kaasi oo maamahaan la xanuunsanayey cudurka Saf mareenka ah ee Covid-19.
Eng-Baana oo sidoo kale ahaa Madaxii Suuqgeynta xiriirka k,Koleyga ee B/bartamaha qaaradda ee Zone V ayaa mudooyinkan ku jirey Isbitaal ku yaala dalkaasi England oo uu deganaa, waxaana Xaaladiisu ay ahayd mid kasii dareysay oo cudurka uga gudbey qeybta Sambabada kaasoo ugu danbeynstii u geeriyoodey,
Geerida Alle Ha u naxariistee Masuulka oo muhiim u ahaa Xiriirka Koelyga dalka ayaa waxaa bartiisa Facebook-ga ku xaqiijiyey Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Koleyga Cabdullaahi Nuur Maxamed (Caddaani) oo soo qorey sidan:
Allaha u naxariistee Eng Baanna Cali Waxaa ay xeel dheerayaasha Kubadda koleyga dalka iyo dibadda ku sugan isku raaceen inuu ahaa Shaqsi ay ka go’neyd horumarinta Koleyga dalka Soomaaiya isagoo mudo sanado badan kusoo dhex jirey Ciyaartan kubadda koleyga iyo maamulkeeda,waxaa uu wareysigii ugu danbeeyey kahor geeridiisa siiyey Astaan Sports gaar ahaan Isagoo ku sugnaa Ciyaarihii Kubadda koleyga qaaradda Africa ee Nairobi lagu qabtay horaantii sanadkan isagoo kamid ahaa Madaxdii ka qeybgaleysay Isreeeb reebkaasi oo Xulka Soomaaiya ka qeybgaley Halkaan Hoose ka eeg: