AFRICAArsenalBARIGGA DHEXEPremier LeagueWARARKA MAANTA

Xidiga Arsenal Ozil oo Deeq Ramadaan-ka ugu talogaley Siiyey Dalal Soomaaliya kujirto

Laacibka naadiga Arsenal Mesut Ozil ayaa Lacag dhan 713,000 Turkish liras oo u dhiganta ($ 101,000) ugu deeqay hey’adda Bisha Cas ee Turkiga si gacan looga geysto ololaha gargaarka ee bisha barakaysan ee Ramadaan dalal Soomaaiya kujirto.

Lacagta ayaa loo adeegsan doonaa in lagu Af-furiyo dadka Muslimiinta ah ee gudanaya waajibka soonka inta lagu jiro bisha – Barakeysan ee Ramadaan,waxaana Af-furka heli doona illaa 16,000 oo qof oo ku sugan Turkiga.

Qoysaska ku nool Turkiga iyo Siiriya ayaa 2,000 oo baakadood oo raashin ah ku heli doona Kaalmadan tabarucaaadda ee uu bixiyey Ozil, halka 90,000 oo xirmooyin Af-fur ah loogu qaybin doono Dad ku sugan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Kerem Kinik, oo ah madaxa Bisha Cas ee Turkiga, ayaa aad uga mahadceliyay xidigan katirsan kooxda kubada cagta ee Arsenal kaalintiisa deeqdan oo kusoo aaday xili muhiim ah.

“Waxaan ku gaarsiin doonaa xirmooyinka deeqda ah ee uu ku deeqay walaalkey Mesut dadka loogu talogaley sida ugu dhaqsaha badan uguna macquulsan, ”ayuu yiri.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button