Borussia DortmundBreaking NewsBundesligaHORYAALADAMAQAALWARARKA MAANTA

CABSIDII COVID-19: Dib usoo laabashada Horyaalka Jarmalka guushii Dortmund & wacdarihii Haaland

Jawi cabsi leh ayaa la dareemayey oo ma jirin sawaxankii xooga badnaa ee ka imaan jirey in ku dhow 80-ka Kun taageera ee mar waliba xaadirka ku ahaa garoonka Signal Iduna Park, tan iyo bartamihii bishii March markii guud ahaan ciyaaraha loo joojiyey cabsida caabuqa saf marka ah ee Covid-19.

Horyaalada heerarka kala duwan ee dalka Germany ayaa dib loo sii amba qaaday kadib go’aankii bishii hore dowladda dalkaasi ay ku baaqday, waxaana sheekada laga soo calaamadeeyey ugu weyn wixii ka dhacay garoonka kooxda kursiga labaad kujirta ee Dortmund taasoo halkaa ku qaabishey kuna tumatay kooxda ay deriska yihiin ee Schalke 04.

Erling Braut Haaland ayaa daqiiqadii 29-aad saxiixey kubad uu garabka uga keenay sxbkiisa Hazard, waxaase in lagu kala nasto qeybta koobaad 2-0 sababay ciyaaryahan Raphaël Guerreiro oo bidix ku dhaliyey kubad fiican oo xerada dhexdeeda uu usoo dhigay Brandt.

markii dib loo soo laabtay Borussia Dortmund kuma aysan dhibtoonin iney halkeeda kasii wado badhigeeda iyadoo dhinac walba kaga wanaagsaneyd deriska, sadex daqiiqo markii garoonka lagu jirey waxaa gool banaanka laga soo toogtay goolhayaha daba mariyey T. Hazard,

hase yeeshee waxaa Schalke sii bahdiley Raphaël Guerreiro oo daqiiqadii 63-aad ka dhigey 4-0 in lagu suul daaro deriska waxayna hadda Dortmund hal dhibic keliya ka hooseysaa hogaamiyaasha Bayern oo caawa dheeli doonta.

Si kastaba soo laabashada Bundesliga intii uu socday Coronavirus ayaa ka dhigan inuu noqday horyaalkii ugu horeeyay shanta horyaal ugu sareeysa yurub ee dib loo bilaabo, waxaana lagu xasuusan doonaa duruufo adag, sida Baratakool isku dhex yaacsan, isku soo dhiibka kubadda, qaabka dabaal dega,halka ay kala fadhiyaan ciyaaryahanada keydka, is gacan-qaad la,aan iwm.

RB Leipzig 1 – 1 Freiburg
Hoffenheim 0 – 3 Hertha BSC
Fortuna Dusseldorf 0 – 0 Paderborn
Augsburg 1 – 2 Wolfsburg
Eintracht Frankfurt 1 – 3 Borussia M’gladbach

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button