2022 FIFA World CupMAQAALOLYMPICSSomali premier leagueSOOMAALIYATAARIIKHWARARKA MAANTA

Astaan Sports oo Ciid Siisey caruurtii Agoonta Qaar kamida Ciyaaryahanadii geeriyoodey + SAWIRRO

Astaan Sports oo hadba eegeysa baahiyaha gaarka iyo iney bulshadeeda qeybta nolosha hoose ay kaalmeyso inta ay awoodo ayaa waxaa ay Kaalmo dhaqaale gudoonsiisey Qoysas gaaraya ilaa 15-qoys oo u badan agoomihii ay ka geeriyoodeen qaar kamida ciyaaryahanadii, Maamuleyaal iyo macalimiin bahda Isboortiga iyo qaar kale oo baahiyaha gaar qaba ee katirsanaa bahda Ciyaaraha.

Munaasabad lacagta lagu gudoonsiinayey qoysaskaasi oo lagu qabtay xarunta guddiga olombikada Soomaaiyeed ee Muqdisho ayaa waxaa goob joog u ahaa masuuliyiin bahda Sportiga sida Wasaaradda Ciyaaraha, GOS, Sportiga G/banaadir.Gudoomiyaasha xiriirada qaar,Masuuliyiinta Astaan Sports iyo marti sharaf kale,

Agaasimaha Astaan Sports Maxamed cabdi Muudeey oo halkaasu ka hadlay ayaa sheegay in astaan ay ku fekertay in laga farxiyo agoontii ay ka tageen qaar kamida bahdii ciyaaraha iyo legend Faay Aweys oo xanuunsan iyo Taageere weyn Jeylaani kuwaa oo uu xusey in Astaan Sports ay ka farxineyso iyaga iyo qoysaskooda maadama loo diyaar garoobayo munaasabadda Ciidul fidriga, ay 15-Qoys mid waliba ugu talo gashay min 200$ isagoo ballan qaaday in Astaan sanadaha Soo socda ay kordhin doonto qoysaska,

Dhamaan madaxdii halkaasi ka hadashay waxaa ay aad ugu amaaneen Astaan Tv iney qabatay howl si weeyn loogu amaani karo oo aan horey loo qaban taasi oo ay taariikhda xusi doonto.

Guud ahaan caruurtii iyo Waaidiintii halkaasi lagu gudoonsiiyey lacagaha farxadooda Ciida ayaa laga dheehan karay sida ay ugu riyaaqeen kaamadaas ay Astaan Sports ugu yaboohde.

 

 

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button