Breaking NewsHORYAALADASSC NapoliTechnologyUncategorizedWARARKA MAANTA

Xiriirka kubbadda cagta Talyaaniga oo shaaciyay xiliga uu dhamaan doono , xili ciyaareedka 2019/2020.

Xiriirka Kubadda Cagta Talyaaniga ee loo soo gaabiyo magaciisa  (FIGC) ayaa sheegay in 20ka Agoosto ay noqon doonto waqtiga kama dambeysta ah ee dhamaadka xili ciyaareedkaan, iyadoo ololaha cusub uu bilaaban doono 1da Sebtember.

Xilliga caadiga ahaa horyaalka,wuxuu socday  ilaa bartamihii bishii Maarso sababo la xiriira coronavirus laakiin FIGC ayaa weli ku tala jirta inay ku dhameysato seddexda qaybood ee ugu sareysa.

Waxaa weli harsan 12 wareeg oo ciyaarood ah oo ka haray Serie A, halka afar kulan oo kale iyana iyana ay yihiin kulumo baaqday.

Juventus, oo baadi goobeysa horyaalkeedii sagaalaad oo xiriir ah, ayaa hal dhibic ku hogaamineysa horyaalka xiligaan.

Xiriirka ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in haddii mid ka mid ah seddexda qaybood ee ugu sareysa ay dib u bilaabato ka dibna ay markale joojiso, xulasho gaaban oo ciyaar ah ayaa la qorsheyn doonin kuwaasi oo ku saabsan kulamada isku diyaarinta xili ciyaareedka cusub.

Si kastaba ha noqotee, haddii aysan suurtagal ahayn in la dhammaystiro xilli ciyaareedka xitaa ,waxaa la soo jeediyay in horyaalka dib loo bilaabo,ayadoo lagu ciyaaraayo garoomo ay albaabada u xeranyihiin.

Horyaalka Serie C wuxuu soo bandhigayaa caqabadda ugu weyn maadaama ay ka qayb galaan  60 naadi, oo loo qeybiyay saddex koox goboleed, oo qaar badan oo ku jira xaalado dhaqaale oo adag oo sababbat cudurka Covid-19.

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also
Close
  • room
Back to top button