Atletico MadridBarcelonaBreaking NewsHORYAALADALa LigaReal MadridReal SociedadSevillaValenciaVillarreaWARARKA MAANTA

Xiliga uu dib u furmayo Horyaalka Spain La Liga oo lagu dhawaaqay & Real Madrid oo soo dhoweeysay

Horyaalka La Liga dalka Spain ayaa dib loo bilaabi doonaa 8-da bisha  June ee soo socota, iyadoo sidoo kale guud ahaan xuduudaha dalkaasi iyo dalxiiska uu dib u furmi doono bisha July sida uu ku dhawaaqay reysul-wasaaraha waddankaasi.

Horyaaladii sare ee Spanish-ka ayaa loo joojiyey cabsida laga qabay safmarka coronavirus 12 March, xili min 11 kulan u harsantahay koox waliba, kooxaha ayaana bilaabaya tababarka iyadoo la ogolyahay oo keliya in 10 ciyaaryahan isla qaataan tababarka.

Guddiga La Liga ayaa maalmaha soo socda la filayaa iney xaqiijiyaan arintan dib u ambaqaadista horyaalka,iyadoo Madaxweynaha La Liga Javier Tebas si weyn usoo dhoweeyay hadalka RW Sanchez.

Wuxuu bartiisa tweeter-ka ku yiri: “aad ayaanu ugu faraxsannahay go’aankan, waana natiijada shaqadii adkeyd ee ay qabteent naadiyada, ciyaartoyda iyo Macalimiinta

“[National Sports Council]. CSD iyo wakiilada ayaa shaqo adag iyaguna qabtay, laakiin aad ayey muhiim u tahay in la raaco talaabooyinka Taxaddarka leh ee looga gaashaaman karo caabuqa safmarka ah waa in la qaataa talooyinka caafimaad” ayuu yiri Tebas.

Kadib markii uu soo baxay hadalka Reysul-wasaaraha, Real Madrid, oo labbo dhibic ka hooseysa hogaamiyayaasha horyaaka ee Barcelona, ayaa si fudud ku muujiyey sida ugu farxeen arintaasi iyagoo soo qorey: “Long live La Liga.”

Sidoo kale horyaalka heerka labbaad – Spain’ ayaa isla xiligaas dib loo amba qaadi doonaa ee 8-da june –
Ilaa 5 ciyaartooy oo aan la magacaabin ee ka ciyaarta labbada horyaal Spain ayaa laga helay caabuqa COVID-19 horaantii bishaan,laakiin xidigahaas ayaa la gooni-yeelay iyagoo hadda kujira marxaladdii u danbeeysay ee soo kabashada.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button