BANAADIRGAADIIDKAHORSEEDHORYAALADASomali premier leagueSOOMAALIYASportsWARARKA MAANTA

SAWIRRO: HORYAALKA DALKA: Gaadiidka oo guuldaro xanuun badan u saarisey Horseed

Waxaa weli garoonka kubadda cagta ugu da’da weyn dalka ee Eng-yariisoow ex-Conis si xiiso leh uga socda horyaalka heerka koobaad dalka Somali Premier league fasal ciyaareedka 2019/20, kaasi oo in ku dhow saddex bilood hakad ugu jirey cabsida safmarka Covid19.

Kooxaha Ku loolamaya hogaanka sare ee horyaalka ayaa muujinaya dadaalo ay ku doonayaan iney sanadkaan noqdaan horyaalka Somalia ee kubadda cagta, waxaana sidoo kale kooxaha dhexe iyo kuwa hoose ay muujinayaan dhankooda iney aad u dhaarsan yihiin oo dhibcahooda lagu tashan karin.

galabta kulan xiiso badan waxaa uu dhexmaray Hogaamiyayaasha horyaalka Horseed iyo Gaadiidka oo kujirta kaalimaha dhexe, kulankaasi oo ahaa mid aad u adkaa oo labada dhinac ay si weyn isugu soo diyaariyeen.

Qeybtii koobaad waxaa lagu kala nastay goolal la’aan 0-0 hase yeeshee markii lasoo laabtay kooxda Gaadiidka waxaa u suurta gashay iney helaan gool daqiiqadii 63-aad waxaana u saxiixey weeraryahankooda reer Uganda ee Atika Steven,wixii xiligaa ka danbeeyey Horseed ayaa sameeysay isku dayo ay rabtay iney soo celiso goolka laakiin ciyaartoyda gaadiidka ee khadka dhexe iyo daafaca ayaa muujiyey adkeeysi ugu suurta gashay in sidaa saddex dhibix kulanka u qaataan.

dhibacaha ay heleen Gaadiidka waxay keentay kaalinta 6-aad ee kala sareeynta iyagoo hadda leh 17 dhibic, halka Hogaamiyayaasha Horseed weli hogaanka ku hayaan 25-dhibic, waxaase hal dhibic ka hooseeysa MCC oo aan weli ciyarin kulankeeda 13-aad hadii ay badisana hogaanka la wareegi karta.

Kulamadii ugu danbeeyey ee dhacay:

Horseed vs Raadsan 4-0
MCC vs Elam FC 2-0
Dekedaha vs Rajo 4-1
Heegan vs Jaziira 3-0

https://www.facebook.com/astaansports/videos/597502264516977/

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button