BANAADIRBreaking NewsHORYAALADAOLYMPICSSomali youth league.SOMALI YOUTH SOCCERSOOMAALIYAWARARKA MAANTA

Tartankii WAAYEL CUP oo lagu soo gabo gabeeyey Garoonka HERER STAR ee Magaalada Hargeysa ( DAAWO)

Tartankii loogu magac daray WAAYEL CUP ee ka socday garoonka HERER STAR ee Degmada Maxamed Mooge ee Magaalada Hargaysa ayaa Habeenkii xalay ahaa la soo gaba-gabeeyey.
Tartankan oo socday mudo laba Todobaad iyo badh ah ayaa waxa ku Guuleystay kooxda ku ciyaareysay magaca Xidigaha Waaberi
Xafladii xidhitaanka tartankan oo lagu qabtay Isla garoonka Herer Star ayaa waxaa ka soo qayb galay Xoghaya Dawlada hoose ee Degmada Maxamed Mooge, Gudoomiyaha sportska ee Degmada Maxamed Mooge,
gudoomiyaha gudida nabad geliyada ee  Isla Degmada Maxamed Mooge, mulkiilaha Garoonka Herer star, iyo marti sharaf kale oo trio badan, kuwaasi oo dhamaantod bogaadiyey hanaanka iyo habsami socodka koobkan ay soo abaabuleen maamulka garoonka iyo gudida dhalinyarada cuslaatay ee degmadasi Maxamed Mooge
Ugu dambayntii xafladii xidhitaanka tartankan ayaa abaal marino kala duwan lagu gudoonsiiyey  ciyaartoyada kala ah:
1- Axmed Jees Aadan oo  la Gudoonsiiyey laacibkii ugu fiicnaa Tartankani Waayel Cup, una dheelayey kooxda Reds
2- Zaki Xuseen Aw-Siciid (Jr) oo la gudoonsiiyey Gool dhaliyihii tartanka Waayel cup, waxaanu u dheelayey kooxda Elman
3)Mubaarik Cabdi C/laahi (Sheekhawi) oo la gudoonsiiyey Xidigii ugu akhlaaqda wanaagsanaa tartanka, waxaanu u dheelayey kooxda Cumaan
Waxa Qoray: Cabdilaahi Jamaac Shiine

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button