AC MilanBreaking NewsHORYAALADAJuventusSerie ASportsWARARKA MAANTA

Milan Maloo Duceeyay mise Marwadaa is Mahadisay ? +SAWIRRO

Wallow aysan u miisaan cusleyn Milan-tii silvio haddana marka ay aragto Muqaawiyiinta ay marwadu ugu horeeyso Milan waxaa ay yeelataa miciyo waaweyn, waxaana marag ma doonto ah qaab ciyaareedka ay kaga yaabsatay dhamaan kulamadii ay la yeelatay xili ciyaareedkan Kooxaha sare gaar ahaan Juve iyo lazio.

Ac milan xitaa hadii ay guuldaro kala kulantay Kulamada ay ka horjeeday Juventus xili ciyaareedkan,waxaa leysku raacay iney ka kubbad wanaagsaneyd kulan waliba horyaalka labada is arag iyo labadii lug ee koobka dalka (Italian-Cup).

Dib ugu soo laabashadii Saf-marka Covid19 ee halakeeyey dunida gaar ahaan Italy, kooxda magaalada ganacsiga waxaa ay lasoo baxday ciyaar wanaag, kubad isku-dhiibis, raacis iyo deganaan ay ku kasbatay iney hurdada kasoo kiciyaan jamaahiir dhowr sano kahor ugu danbeeysay iney indhaha ka qaadaan funaanadii midabka guduud iyo Madoow-ga ka sameysneyd kuwaa oo xaley sacab iyo mashxarad waagu ugu baryay.

Sheekada cajiibka ayaa ahayd in Ac milan ay baratay quus la’aanta iyo soo rogaal celiska xeeladda ku dhisan, taasi oo loo sababeyn karo waayo-arag dhowr ah oo Zlatan ugu weyn yahay & isku xirka muluqyada dadaalka muujiyey ee markii horeba macalinku u maaro la’aa mid uu masraxa ku aamino,

Juventus oo dooneysa in waqti aan fogeynba ka dhigato u dabaal degista horyaalkan ay iska dal dalato iyadoo maanka ku heysa tabar darida kooxaha ceyrsanaya ee lazio iyo Inter, ayaa iska lumisay fursad ay 10-dhibic kaga sii fogaan kartay lazio,waxaana qeybtii labaad kulanka ku hormartay 2 gool oo ay ka kala heshay Xiddigaheeda Rabiot oo gool cajiib ah dhaliyey daqiiqadii 47-aad iyo Ronaldo daqiiqadii 53-aad.

hase yeeshee Ac Milan isma dhiibin waxayna la wareegtay kubad heysashada wixii xiligaa ka danbeeyay, Joog dheere Zlatan Ibrahimovic ayaa daqiiqadii 62-aad gool u bedelay gool-kulaad kooxdiisa loo dhigay, waana goolkiisii Lixaad,13-kulan oo uu u saftay kooxda tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay bishii janaayo ee sanadkan,Afar daqiiqo kadib Kessie ayaa ka dhigay bar baro 2-2.

Juventus ayaa la waayay,waxaana lagu qaaday weeraro is daba joog ah, dhexda iyo garabka bidix ayaana noqotay sida meel uu maroodi dhergan isaga raftay, waxayna taasi keentay in daqiiqad kadib weeraryahanka 21-sano jirka ah ee reer Portuqal,Rafael da Conceição Leão hogaanka u dhiibo, ugu danbeyntiina laacibka reer Croatia ee Ante rebic sheekada ka dhigo 4-2 daqiiqadii 80-aad, sidaana guushu ku raacday wiilasha tababare Pioli.

Hadda Juventus 31-kulan waxay hogaanka ku heysaa 75-dhibic kooxda kusoo xigta ee lazio oo Lecce guuldaro ka qaadatay ayaa leh 68-dhibic, Ac Milan waxay soo gashay kaalinta 5-aad wallow ay leedahay 49-dhibic hadana looma fadhiyo inuu hunguri kasoo galo usoo bixitaanka Champions League.

W/QOREY: C/xafiid Zaciimka

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button