Breaking NewsLATIN AMERICASomali youth league.SOOMAALIYASportsWARARKA MAANTAWorld

Maxaad ka taqaan Bilaal Xirsi Ciyaaryahanka sanadka ee ka yaabiyey dugsiyada Mareykanka +DAAWO

Ciyaaryahan Bilaal Xirsi oo u dhashay dalka Soomaaliya isla markaana ka dheela Mareykanka ayaa sameeynaya horumar aad u balaaran kadib markii uu ku guuleystay Abaal marinta shaqsiga ah ee ugu qaalisan kubadda cagta dugsiyada sare dalka Mareykanka.

Da’yarkaan kubad sameeyaha ah ayaa u ciyaarayey kooxda Lewiston waxaana kooxdaasi u suura geliyey iney qaadaan labbo horyaalo isku xiga tan iyo markii uu kusoo biiray, waxaana todobaadkan loo aqoonsadey ciyaaryahanka ugu wanaagsan xili ciyaareedka, (the Sun Journal All-Region Boys Soccer Player of the Year 2019-2020),

Bilaal oo ay la tartamayeen ciyaaryahano kale oo Mareykan iyo Ajaaniiba u dhalatay, ayaa si weyn ugu farxay markii lagu dhawaaqay natiijada waxaana garab taagnaa, tababarihiisa iyo Walaalkiisa ka weyn Abdi Jibaar Xirsi oo Caawiye tababare ka ah kooxda Dugsida sare ee Lewiston,

Waxaa sidoo kale xusid mudan in Laacibkan Bilal Xirsi bishii hore ee June loo magacaabay markii labaad oo xiriir ah, Xiddiga Kubadda Cagta Sanadka ee 2020 Gatorade Maine Boys.

Waxa ay aheyd abaalmarintii labaad oo isku xigta oo la siiyo kubadsameeyahan, 16,sano jirka ah,kaasoo dhaliyay 32 gool isla markaana caawiye ka noqday 12 kale xilli ciyaareedkan.

Hadda Bilaal Wuxuu saxeexay inuu u wareegayo kubbadda cagta Jaamacaddaha gaar ahaan NCAA Qeybta I ee Siena University.

Si kastaba Hersi waa mid ka mid ah labo ciyaaryahan oo kooxdaasi Lewiston ee ku guuleystay abaalmarintan, waana ciyaaryahankii afaraad ee ku guuleysta labo jeer. Wuxuu ku soo qoray Twitter inuu Duceysan yahay “Tani waa bilowga safarkayga!

Isku soo duub waxaan Shaki ku jirin in Soomaaliya ay leedahay ciyaaryahano aad u farsamo wanaagsan kuwaa oo ka kala ciyaara guud ahaan qaaradaha dunida, xiriirka kubadda cagta dalka ayaana sanadihii ugu danbeeyey xoojiyey in la baadi goobo ciyaaryahano tayo wanaagsan oo metela Xulka ee dibadaha ka ciyaara,iyadoo dhowaan 4 ciyaartoy cusub loogu yeeray iney kamid noqdaan Qaranka kuwaa oo ka kala ciyaara Mareykanka, New zealand iyo Denmark.

Lewiston boys soccer senior Bilal Hersi, right, and his freshman brother Khalid.
Lewiston High School’s Abdi Shariff-Hassan, left, and Hassan Qeyle celebrate Shariff-Hassan’s goal in the first half of their game against Camden Hills in Lewiston earlier this season.

Leandro Auger of Lewiston High School competes for a header with Sebastian Varela, left, and John Martin of Mt. Ararat during the first half in Lewiston on Tuesday. The Eagles stunned the previously-unbeaten Blue Devils, 1-0, in KVAC action to improve to 6-4-2. (Dayrn Slover / Sun Journal)

https://www.facebook.com/astaansports/posts/1705887206231623

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button