HORYAALADALa LigaReal MadridSportsVillarreaWARARKA MAANTA

Real Madrid oo ku guuleysatay horyaalka La Liga xili Zidane Riyadiisu u Rumoowday +Sawirro

Zinedine Zidane ayaa Real Madrid kula guuleystay horyaalkii ugu horreeyay La Liga muddo seddex sano ah, wuxuuna u muuqday mid kaga farxad badneyd xitaa saddexdii koob ee Champions League ee uu u qaaday.

Real ayaa xaqiijisey ku guuleysiga horyaalka iyadoo kulan uu harray,kadib markii ay 2-1 ku dharbaaxday kooxda Villarreal oo marti ugu aheyd masrax maran ee Alfredo Di Stefano Stadium.

Difaaca fashion-ka, Sergio Ramos oo xili ciyaareedkan muujiyey dadaal u muuqday inuusan sameyn karin ciyaaryahan Jaalkiisa ah ee La Liga ka dheela ayaa la arkayey inuu abuurayey fursado,

Karim Benzema ayaa dhaliyey qeybta hore goolka hogaanka u dhiibay kooxdiisa, isagoo kubadda ka dhexlaaday lugaha Sergio Asenjo, sidoo kale waxaa uu gool u bedelay gool-kulaad loo dhigay, Benzema ayaana dhaiyey goolkiisii 21-aad ee xili ciyaareedka.

Vicente Iborra ayaa kooxda martida usoo celiyey gool, laakiin taasi Real kama horistaagin iney gacanta ku dhigaan Horyaalkii 34th ee Spanish,waxayna guushu ku raacday 2-1.

Kooxdan uu hogaamiyo Tababare Zidane ayaa wada guuleeystay dhamaan 10-kii kulan ee ay ciyaareen tan iyo markii dib loogu soo laabtay kubadda cagta bishii June.

Waxay aadi doonaan Leganes kulankooda ugu danbeeya ee xili ciyaareedka, iyagoo toddobo dhibic ka horeeya kooxda ugu soo dhow ee Barcelona taasi oo guuldaro 2-1 dhabarka loo saariyey isla xaley.

“Tani waxay iiga wanaagsan tahay wax weliba. dedaal waqti dheer ah ayey qaadataa inaad ku guuleysato La Liga,” sidaa waxaa yiri leyliyaha Real.

“Kadib 38 kulan, inaad heysato dhibco ka badan koox kasta.kadib Bandoow, xayiraad, wax waliba waa Cajiib .”
ma ahayn marxaladd la filayey in garoonka albaabadu u xiran yihiin ee tababarka ee qaada 6,000-kurisi in Real ay ku muujiso dabaal dega horyaalkoodii ugu horeeyey tan iyo 2017.

laakiin taasi Wiilasha Zidane kama hor-istaagin iney Soo saaraan oo ay ku bood boodaan Funaanadda ay ku xardhan tahay “Campeones 34” waxaana la arkayey iney farxad ku damaashaadeen ciyaartoyda oo Dhawaqa Cajalad laga shiday garoonka la jiibinayey kahor inta aan gacanta laga saarin koobka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button