Breaking NewsHORYAALADAUncategorizedWARARKA MAANTA

Watford oo shaqada ka ceerisay tababarahoodi Nigel Pearson

Watford ayaa ceyrisay tababare Nigel Pearson iyadoo labo kulan oo ka hartay xilli ciyaareedkii Premier League, kooxda ay seddexda dhibcood ka sareyso heerka ugu hooseeya ee looga dhaco horyaalka.

Tababarihii hore ee Leicester Pearson ayaa ah tababarihii seddexaad ee kooxda laga ceyriyo xilli ciyaareedkan ka dib bixitaankii Javi Gracia iyo Quique Sanchez Flores.

Tababaraha maamula kooxda  da’ddooda  ka hooseysa 23 sano jirka Hayden Mullins ayaa qaban doona inta ka dhiman xilli ciyaareedka iyadoo Graham Stack uu noqon doono kaaliyihiisa.

Pearson waxaa loo magacaabay bishii Diseembar heshiis uu ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedka.

Wuxuu guuleystay 7 kulan oo Premier League ah – oo ay kujirtay kulan uu garaacay kooxda horyaalka ku guuleestay ee Liverpool.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also
Close
  • 16
Back to top button