Breaking NewsHORYAALADALIVERPOOLPremier LeagueTAARIIKHWARARKA MAANTA

DAAWO: Dabbaal-degii Liverpool oo 30-sano kadib Gacanta ku Dhigtey Horyaalka England

Liverpool ayaa u dabaaldegtay markii ugu horeysay muddo 30 sanadood ah oo ay qaaday hanashada horyaalka Premier League kadib markii ay jooga ka ridey kooxda Chelsea oo marti ugu ahayd Anfield.

Jordan Henderson – oo dhaawac ah ayaa waxaa uu koobka kaga gudoomay Halyeeygii hore Liverpool Sir Kenny Dalglish masrax yar oo garoonka laga sameeyay,kadib markii Wiilasha Jurgen Klopp ay xaqiijiyeen in saddexdii Xili ciyaareed ugu danbeeyay aan looga badinin (unbeaten) garoonkooda Anfield kulamada Premier League.

Chelsea oo la xusuusto iney Man utd kusoo reebtay Semi Finalka FA cup ayaa la filayey iney soo bandhigto ciyaar guul raadis ah, maadama ay dooneyso iney xaqiijiso Booska Champions league ee Afarta sare, laakiin waxaa ka yaabsadey xiddigaha Reds markii saddex gool kala daran ka kala dhaliyeen Keita (23’daqiiqo), Alexander-Arnold (38’daqiiqo), Wijnaldum (43′ daqiiqo)

hase yeeshee waxaa gool usoo celiyey Giroud (45’+3) sidaa 3-1 ayaa lagu kala nastay, hase yeeshee Blues markii lasoo laabtay waxaa shaqo kale u direy weeraryahan Firmino (55’daqiiqo),kadib waxay dhaliyeen 2 gool oo ay ka kala heleen Abraham (61’daqiiqo), Pulisic (73’daqiiqo) haddiise jawiga ciyaarta wax ka bedeleen goolasha ay Chelsea la yimaadeen waxaa sheekada halkeeda kusii celiyey Oxlade-Chamberlain (84′ daqiqo) sidaana 5-3 guushu ku raacday kooxda horyaalka xaqiijisey 7 kulan kahor dhamaadka.

Chelsea, ayaa hadda dhibic u baahan, kulanka ugu danbeeya horyaalka oo ay Wolves ku qaabileyso gurigeeda Axadda- si ay uga mid noqoto Afarta sare ee xili ciyaareedka danbe soo aadeysa koobka Champions League.

Gudaha garoonka iyo banaanka waxaa ka dhacay damaashaadyo waaaweyn oo ay sameynayeen ciyaartoyda iyo taageerayaasha kooxda Liverpool oo dhacdadan oo kale ay ugu danbeeysay intii aysan dhicin Dowladdii dhexe ee kacaanka dalka Soomaaliya 1990-kii.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button