Breaking NewsBundesligaHORYAALADAUncategorizedWARARKA MAANTA

Kooxda Villarreal oo ku dhawaaqday saxiixa tababarihii hore ee Arsenal Unai Emery:

Tababarihii hore ee kooxda Arsenal Unai Emery ayaa loo magacaabay inuu noqdo macalinka kooxda ka ciyaarta La Liga ee Villarreal heshiis seddex sano ah ayuu la gaaray.

48-jirka reer Spain ayaa bedalay  Javi Calleja, kaasoo ka tagay kooxda inkasta oo uu kaalinta shanaad ku dhammeystirey booska Europa League.

Emery ayaa shaqo la’aan ahaa tan iyo markii shaqada laga ceyriyay kooxda ka dhisan  Premier League ee Arsenal bishii November ka dib 18 bilood oo uu macalin u  ahaa.

Wuxuu maamulay Sevilla iyo Valencia horyaalka Spanish-ka, iyo sidoo kale Paris St-Germain ee France.

Emery ayaa kala wareegay Arsene Wenger kooxda Arsenal bishii May 2018 kadib markii uu kula guulaystay sedex horyaal oo Europa Leagu ah kooxda  Seville iyo Ligue 1 oo uu la qaaday kooxda PSG.

Laakiin waxaa shaqada laga eryay Gunners ka dib markii uu soo wajahay  hoos u dhicii ugu xumaa ,ayagoo aan  wax guul ah gaarin muddo 27 sano ah.

W/Q: Shucayb Haamud Ibraahim   

Image may contain: 1 person, text

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also
Close
  • mash
Back to top button