Breaking NewsChampions LeagueMan CityReal MadridSportsWARARKA MAANTA

Guuldaradii Real kaga hartey Champions League muxuu tababare Zidane ka yiri Mustaqbalkiisa ?

Manchester City ayaa guuul kusoo gabogabeeysay shaqadii adkeyd ee ay soo biloowday bishii February kadib markii ay reebeen kooxda awooda ku lahayd tartanka ee Real Madrid iyagoo is keenay Rubbuc dhamaadka Champions League.

Tani waa guul ay u qalantay City oo markale 2-1 ku garaacdey Real iyagoo ka faa’ideystay khaladaad uu sameeyey ku guuleystihii Koobka Aduunka daafaca reer France ee Raphael Varane kaasoo awoodi waayey inuu hakiyo weeraryahanka reer Brazil ee Gabriel Jesus kaa oo loo aqoonsadey xiddiga garoonka (Man of the match).

ka maqnaanshaha daafaca ganaaxa ku maqnaa ee Ramos oo uu ku gaban jirey Varane waxaa ay sababtay in marna Jeusus daqiiqadii 9-aad gool u baaso sxbkiis Sterling-misna markale daqiiqadii 68,aad madax daciif uu dhiibtay Jeusus ku ciqaabo goolhaye Thibaut Courtois, wallow qeybta koobaad Weeraryahan Benzema uusoo celiyey goolka hore daqiiqadii 28-aad hadana min 2-1 ayaa labada lugba looga adkaadey Real oo 4-2 lagu reebay.

Kooxda Pep Guardiola ayaa hadda hal kulan oo Rubuc dhamaad ah la yeelan doonta kooxda France ee Lyon oo iska soo reebtay Juventus waxayna todobaadka soo socda ku kulmi doonaan Lisbon,hase yeeshee Tababare Zinedine Zidane ayaa hadda markii ugu horeeysay laga cirib tirey Champions League, waxaana ninka reer France lagu xusuustaa in saddex jeer uu u qaaday koobkan.

Macalinka Real Madrid Zinedine Zidane ayaa yiri: “Maya ma faraxsanin xaqiiqdii, maxaa yeelay waa nalaka adkaadey weeynu ka harnay tartanka”.

“Waan aaminsanahay ineynu dadaalney xili ciyaareedkan, kani waa football. Waxaa na reebtay koox aad u wanaagsaneyd waa qasab ineynu ogolaanaa taasi. Waan helnay fursado goolal ku dhalin karney laakiin meynaan gaarin yoolkeenii.

“Waxaan ahay Tababaraha Real Madrid waana ahaan doonaa inta ay wax iska beddelayaan”.

“Looma baahnaa inaad su’aal badan iga weydiiso mustaqbalkeyga. Dhammaanteen waxaynu gali doonaa nasiino weeynu isku soo laaban doonaa xili ciyaareedka danbe” ayuu kusoo xirey jawaabta su’aashii laga weydiiyey inuu ka tegayo Madrid iyo Inkale.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button