Breaking NewsChampions LeagueJuventusSportsWARARKA MAANTA

Juventus oo guul gaartay kana hartay Champions league Ogoow Yaa ahaa Man of the match ?

Lyon ayaa ka badbaadey Soo laabasho lama filaan ah oo uu ku sameeyn karey dhaliyaha cajiibka ah ee Cristiano Ronaldo-kaa oo doonayey inuu comeback kooxdiisa Juventus ku geeyo Rubuc dhamaadka Champions League, laakiin calafku uma gelin iney Lisbon ku arkaan Manchester City.

Kooxda Fransiiska ee Lyonne ayaa 1-0 kusoo badisey lugta hore oo gurigooda lagu ciyaaray bishii February’ waxayna si dhaqsi leh u heleen gool-kulaad daqiiqadii 12-aad Memphis Depay ayaana u dhaliyey.

Tani ku guuleystayaasha horyaalka Seria A ee Juventus waxay kusii abuurtey walwal hor leh, sababtoo ah waxaa looga fadhiyey iney saddex gool keenaan si ay usoo tiigsadaan Lisbon, Ronaldo ayaase muujiyey inuu yahay dhaliyey ay weli tabartu ku danbeeyso isagoo 2 gool mid gool-kulaad ah dhaliyey daqiiqadihii (43’aad pen, 60’aad).

Wallow Weeraryahan Ronaldo uu dhaliyey goolkiisii 130th ee Champions League haddana kooxda Lyon ayaa iska diidey in midka saddexaad laga dhaliyo wuxuuna kulanka kusoo dhamaadey 2-1 Juve ku badisey iyo 2-2 labada kulan sidaana gool banaanka ah Lyone ku jaratay Tikidhkeeda rubuc dhamaadka waxaana xidiga garoonka loo aqoonsadey-Houssem Aouar oo u dheela (Lyon)

Tababaraha Lyon Rudi Garcia, ayaa yiri: “Waxaannu la ciyaarnay koox awood badan aad u culus,” weliba heeysata Laacibka Shanta jeer Kusoo guuleystay Ballon d’Or ee Ronaldo.” natiijaddan waxaynu ku gaarnay si wadajir ah waxaynu joognaa Lisbon Haa waynu aadney”.

Tababaraha Juventus Maurizio Sarri ayaa mustaqbalkiisa shaki la gelinayaa inkasta kooxda ay dhowaan qaadey Horyaalkii 9-aad Serie A si xiriir ah, haddana Juve waxay sanad kale sugi doontaa koobka ay u baahi qabto ee Champions League oo ay ugu danbeeysay 1996.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button