Breaking NewsSOOMAALIYASportsUncategorizedWARARKA MAANTA

Tartan Pool-ah oo ay ka qeeb galayaan 16 qof oo maanta Magaalada Mogdisho ka furmaya.

Tartanka Pool-ka oo ay ka qeeb galayaan 16 qof ayaa ka furmi doono Magaalada Mogdishu caawa,ayadoo tartankaan uu yahay kii ugu horeeyay oo lagu qabto Caasimadda Soomaaliya.

Tartaan,waxaa ka qyabgalaya tartamayaal ka kalayimid dhamaan G.Banaadir,ayadoo dadka ka qaybgalaya,waxaa ka mid ah madax ka tirsan maamulka G.Banaadir.

Tartanka,waxa uu ka furmi doonaa xarunta Baratan ee Muqdisho,waxaa soo qabnqaabisay Astaansports,ayadoo dhanka garsoorka tartanka waxaa ka masuul ah Bartan.

Tartanka,waxaa lagu bixin doonaa Abaalmarinta kaalinta 1-aad,waxa uuna ku guuleesan doonaa lacag dhan $500 shan boqol oo doolar.

Tartanka,waxa uu noqon doonaa mid kala bax ah oo midkii laga badiyo tartanka ka hari doono,waxaa maalintii ciyaari doono 8 tartamayaal ah,waxa uu socon doonaa muddo sedex cisho ah tartanka,waxaa  si toos ah looga baahin doonaa Astaansports.

Ciyaarta loo yaqaano pool-ka,waxa ay ka mid tahay tartamada Sports ee dunida ka jiro sanadihii ugu dambeeyay,waxa uu si wayn ugu hanaqaaday meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya.

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also
Close
Back to top button