SOOMAALIYASportsUncategorizedWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Tartan pool ah oo ay soo qabanqaabisay Astaansports oo xalay si rasmi ah kaga furmay Muqdisho.

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furmay tartan pool ah oo ka qaybgalayaan 16 tartamayaal ah oo kakala socdo meelo badan oo ka mid ah Magaaalada .

Tartanka oo ay soo qabanqaabisay Astaansports ,waxaana madasha lagu qabanaayo ay tahay Xarunta madaalada ee Bartan,ayadoo dhanka garsoorka ay tahay sidoo kale isla Bartan.

Kulankii furitaanka ahaa,waxaa ka soo qaybgalay dhamaan tartamayaasha oo 16qofood ka kooban iyo daawadayaal lagu casuumau daawashada kulanka.

Ayadoo martida qaaska ah ee tartanka lagu casuumay ay kala ahaayeen gudoomiyaha ciyaarah gobolka Banaadir iyo sidoo kale wasiirkii hore ee ciyaaraha Maamulka Hir Shabelle. Iyo maamulka Bartan.

Hadalkii furitaanka ahaa iyo soo dhawaanta iskugu jiray,waxaa qaatay agaasimaha Astaansports  Maxamed Cabdi Muudeey oo sidoo kale sharaxay sababta ugu way nee tartankaan loo qabta.

Cabdalla Baafo oo ah maamulaha sare ee  bartan oo hadal kooban ka jeediay madasha ay sheegay in ay tani fursad wayn u tahay dhalinyarada xiiseeya ciyaarta polka loo yaqaano,,

Gudooomiyaha ciayaraha ee Maamulka Gobolka Banaadi Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish ,waxa uu madasha ka sheegay in maamulka sports-ka ee Gobolka Banaadir oo soo dhaweenayaan ciyaarah nuuc walba ay yihiin,asiga oo ciyaar wanaag u rajeeyay tartamayaasha..

Hadalka ugu dambeyo,waxaa qaatay wasiirkii hore ee ciyaaraha Maamulka Hir Shabelle Cabdiqani Jeenyo ,waxa uu goobta ka sheegay in uu aad ugu faraxsanahy in Muqdisho uu ku arko dhalinyaro ku tartameeso ciyaarta pool,waxa uu tilmaamay in ciyaartya pool-ka ay ka mid tahay mid ka mid ciyaaraha uu aadka

u xiiseeyo.

Ciyaartii furitaanka ahayd,waxaa lagu casuumay in ay ciyaaraan gudoomiayaha ciyaaraha gobolka Banaadir Xasan Adan xaaji yabarow Wiish iyo CaBDI QANI JEENYO,

Tani ,waxa ay noqonasaa dhacdii sports ee pool ah oo ay ku tartamaan 16 qofood oo lagu qabtay Muqidhso markii ugu horeesay taariikhda dhamman ciyaarahaas,waxaad kala soco doontaa Astaansports hadii uu allah yiraahdo.

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also
Close
Back to top button