2022 FIFA World CupBreaking NewsHORYAALADAWARARKA MAANTA

Horyaalka France oo furmay ,ka dib 167 maalmood uu hakad ku jiray.

Xilli ciyaareeda cusub eee horyaalka  Faransiiska  Ligue 1 ayaa xalay la daah furay,ka dib  167 maalmood ka dib markii la’baabiyay xili ciyaareedkii  2019-20 – iyadoo Nantes ay bareejo ku  qabtay 10 nin oo Bordeaux ah.

Ciyaartaan ayaa la soo saaray ka dib markii kulankii  furitaanka ee  xilli ciyaareedkaan la baajiyay,ayadoo kulankaan u dhexeeyay Marseille iyo Saint-Etienne , ka dib afar baaritaan oo lagu sameeyay coronavirus  Marseille la soo helay.

Ololaha 2019-20 ayaa la soo afjaray bishii Abriil sababo ku saabsan  masiibada Covid-19.

 

Horyaalka Faransiiska ayaa ku wargaliyay kooxaha in ka badan sedex xaaladood ee cudurka ah in ayna kulan ciyaari doonin oo ciyaarahooda dib loo dhigi doono.

 

Kulankii jimcaha ee ka dhacay Bordeaux -waxa ay ahayd kooxdii ugu dambeesay ee ciyaarta horyaalka  Ligue 1  axada, 8 Maarso xili ciyaareedkii hore hada,waxa ay ku ciyaarta garoon madhan.

Kooxda martida loo ahaa ayaa ciyaarta laga saaray ciyaaryahankeeda Mehdi Zerkane 20 daqiiqo ka dib laakiin waxa ay ku  qabteen barbaro goolal la’aan ah ciyaar kale oo aan caadi aheyn.

Waxaa jiray hal darbo oo kaliya oo ka timid gudaha sanduuqa gudahiisa ciyaarta oo dhan, waana kulankii ugu horeeyay ee furitaanka horyaalka France ee ku soo dhamaaday barbaro bilaa gool ah tan iyo  2006-07.

PSG, oo wajihi doonta Bayern Munich finalka Champions League axada, waxa ay olalahooda bilaabi doonaa 29ka Ogosto.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button