EUROPE LEAGUEWARARKA MAANTA

Jesus Navas oo sheegay in koobka Europa League u hibeeyeen Jose Antonio Reyes iyo Antonio Puerta.

Jesus Navas wuxuu sheegay in asiga iyo kooxdiisa  Sevilla ee ku guuleestay koobkii lixaad ee Europa League ay u hibeeyeen ciyaartoygii hore ee geeriyooday ee kooxda u soo ciyaaray ee kala ah  Jose Antonio Reyes iyo Antonio Puerta.

Reyes waxaa uu ku geeriyooday  shil baabuur sanadkii la soo dhaafay dhacay,isaga oo jira 35 sano, halka Puerta uu jiray 22 sano  markii uu dhintay sanadkii 2007  wad xanuun ku soo booday.

 

Ka dib guushii jimcaha ee ay 3-2 kaga badiyeen kooxda Inter Milan, Navas wuxuu yidhi: “Koobkaan in  kor loo qaado adiga oo ah kabtanka Sevilla micnaheedu waa wax wayn.

“Saaxiibbada aan halkan joogin – ee kala ah Puerta, Reyes, iyo aabbahay dhintay ayaa si wadajir ah ugu hadiyeenay.

Reyes wuxuu soo maray nidaamka dhalinyarada ee Sevilla wuxuuna saftay 253 kulan labo jeer ayuu kooxda ka soo mid noqday  Sidoo kale wuxuu Premier League la soo qaatay Arsenal intii u dhaxeysay 2004 ilaa 2007.

Puerta ayaa sidoo kale ka mid ahaa kooxda dhalinyarada ah  kulankiisii ugu horeysay wuxuuu saftay xilli ciyaareedkii 2003-04 waxaana uu u saftay 88 kulan.

 

Navas wuxuu intaas ku daray: “Waxaan rajeynayaa in taageerayaasha Sevilla ay ku faani karaan annaga. “Dhamaanteen waan sare u qaadnay koobka maxaa yeelay kulligeen waxaan nahay hal koox.

Ciyaaryahankii hore ee Manchester City Navas ayaa qeyb ka ahaa kooxdii Sevilla ee ku guuleysatay koobkii markii ugu horeysay 2006.

Wuxuu ka caawiyay inay mar labaad ku guuleystaan ​​sannadkaan   wuxuuna door muhiim ah ka ciyaaray guushii ugu dambeysay, isagoo gacan ka geystay goolkii barbaraha ee Luuk de Jong ka dib markii Inter ay hogaanka u qabatay gool uu u dhaliyay Romelu Lukaku.

De Jong ayaa mar kale shabaqa ku hubsaday inuu hogaanka u dhiibo Sevilla ka hor inta uusan Diego Godin barbareen.

Si kastaba ha ahaatee, Diego Carlos ayaa shabaqa ku hubsaday kubbdda ku sii dhacday Lukaku ,waxa ay taasi ay ahayd guushii  Sevilla.

Waxa kale oo ay ahayd Julen Lopetegui koobkiisii ​​ugu horreeyay asiga oo ah  tababare.

53 jirkan ayaa laga ceyriyay shaqada tababarenimo ee Spain Koobkii Adduunka ee 2018 ka dib isla sanadkaasna wuxuu qaatay 14 kulan oo kaliya markii uu ahaa macalinka Real Madrid.

“Lopetegui wuxuu u shaqeeyaa Sevilla 24-saac maalintii, waa uu u qalmaa tan,” ayuu yiri Navas.

Lopetegui ayaa intaa ku daray: “Waa mid aad qaas u ah. Had iyo jeer waa wax gaar ah inaan ku guuleysano hal koob. Anaga ahaan, , taageerayaasha aad ayey ugu  fiican tahay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button