2022 FIFA World CupBreaking NewsHORYAALADAWARARKA MAANTA

Kabtanka Manchester United Harry Maguire oo la xiray ka dib shil ka dhacay jasiiradda Mykonos khamiistii.

Daafaca reer England oo 27 jir ah ayaa fasax ku jooga dalka Giriiga,waxaa la sheegay in uu ku lug yeeshay qalalaaso gacan ka hadal ah oo ka dhacay jaziirad ku taal dalkaas.

Xafiiska xeer ilaaliyaha Syros ayaa sheegay jimcihii in “sedex ajnabi ah” la qabtay kadib markii lagu eedeeyay inay la murmeen saraakiisha booliska ee Mykonos.

Qareenka Maguire Konstantinos Darivas wuxuu sheegay inuu beeniyay eedeymaha “uuna si buuxda ugu qanacsan yahay in la sii dayn doono isagoo aan wax dambi ah lagu soo oogin” maalinta Sabtida.

Maguire wuxuu United kaga soo biiray Leicester aduun dhan 80 milyan ginni – waana rikoor adduunka ugu qaalisan oo ah daafac lagu iibsado bishii Ogosto 2019.

Bayaan ay soo saartay United ayaa lagu sheegay in kooxda ay la socoto dhacdo la sheegay in uu ku lug lahaa Harry Maguire oo ka dhacday Mykonos xalay.

“Xiriir ayaa lala sameeyay Harry, wuxuuna si buuxda ula shaqeynayaa maamulka Griiga. Waqtigaan ma bixin doono faallo dheeri ah.”

Booliiska Giriiga ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen ku sheegay in saraakiishan ay isku dayeen in ay kala dhaxgalaan khilaaf u dhaxeeyay laba koox oo ka baxsan banaanka bariga iyo in sedexda ajnabiga ah ay markaas aflagaado u geysteen mid kamid ah saraakiisha.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in markii ay yimaadeen saldhiga booliiska Mykonos, seddexda qof ee la qabtay ay “si adag u caabiyeen, riixeen oo ay dileen seddex sarkaal oo bilays ah” iyo “mid ka mid ah maxbuusyada ayaa isku dayay inuu bixiyo lacag si maxkamada aan loo horgeynin”.

Booliisku waxay sheegeen in la furay feyl kaas oo ay kujiraan eedeymo ah “rabshado ka dhan ah mas’uuliyiinta, caasinimada, waxyeelada jirka, aflagaado iyo isku day laaluush sarkaal”.

Si gaar ah looma oga waxa Maguire lagu eedeeyay.

Xilli ciyaareedkii United waxa ay ku dhameysteen guuldarro 2-1 ka soo gaartay Sevilla semi-finalka Europa League 16ka Ogosto.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button