General DaauudWARARKA MAANTA

GANTAALAHA AFGOOYE & BADBAADO OO CIYAARAY KULANKII UGU ADKAA KOOBKA JEN.DAA’UUD

Kooxaha Kubadda Cagta ee  Gantaalaha Afgooye iyo Badbaado oo ku jira Group-ka B ayaa wada ciyaaray kulankooda koobaad ee Koobka Jeneraal Daa’uuud kaasi waxayna labada kooxood soo bandhigeen ciyaar aad u adkeyd oo ka dhacday garoonka Jaamacadaha degmada Hodan Gobolka Banaadir.

Labada Koox oo ay ka muuuqatay Diyaar garoow aad u sareeysay ayaa kulankoodu ahaa mid adag oo ay kusoo bandhigeen ciyaar qancisey dadkii daawanayey, kooxda Gantaalaha Afgooye ayaa gool heshay daqiiqadii 7-aad ee kulanka, waxaana u saxiixay Lambadka 10-aad xidiga u qaata,hase yeeshee  waxqti badan kuma qaadan Badbaado iney soo celiyaan goolkaasi waxaana daqiiqadii 13-aad u dhaliyey Ciyaaryahanka Lambarka 16-aad u qaata,

laakiin Lambarka 4-aad kooxda Gantaalaha ayaa markale hogaanka u dhiibay kooxdiisa daqiiqadii 44-aad, waxaana natiijada qeybta koobaad lagu kala nastay 2-1 oo ay ku hogaaminayaan kulanka Kooxda Gobolka Shabeelaha Hoose ka dhisan ee Gantaalaha Afgooye.

Qeybta labaad markii lasoo laabtay ayey dhinacyadu sameeyeen Weerar iyo weerar celis iyadoo kooxda Badbaado ay baadi goobeysay goolka bar bardhaca halka Gantaalaha ay doonayeen iney markale hogaanka sii dheereeyaan, hase yeeshee Badbaado ayaa sameeysay isku day ay ku heshay Goolka bar bardhaca daqiiqadii 63-aad waxaana u saxiixey markale xiddigooda Lambarka 16-aad  sidaa ayaa 2-2 ku kala tageen labada dhinac.

Ciyaartan ayaa ahayd middii ugu adkeyd ee dhacda ilaa iminka Koobka Jeneraal daauud maadaama labada kooxood ay sameeyeen Fursado goolal lagu dhaliyey iyo kuwo kale oo aan laga faaideeysan, garsooraha kulanka ayaa bixiyey 4 kaarka Hurdiga ah oo min labo uu kala siiyey labada dhinac.

kulamada kale ee xiga G-AFGOOYE waxay wajihi doontaa kooxda  MCC  halka kooxda BADBAADO ay is arki doonaan  GAADIIDKA waxayna kulamadaasi dhici doonaan 1-da bishan Oktoobar.

Tartankan Koobka Gen-Daa’uud ayaa ah Koob ay ku Xisaabtamaan kooxaha Dalka iney ku guuleystaan, waxaana ka qeybgala kooxaha kaalimaha hore kasoo gala horyaalada kala duwan, iyadoo sanadkan ay ka qeybgalayaan ilaa 16-kooxood, oo loo qeybiyey 4 Group,

W/D: C/xafiid Zaciimka & Axmed Daacad

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button