Breaking NewsGeneral DaauudWARARKA MAANTA

HEEGAN IYO BATROOLKA OO IS MARI WAAYAY KOOBKA JEN-DAA’UUD 2020

Kooxaha kubadda cagta Hooegan iyo Batroolka ayaa garoonka Jaamacadaha degmada Hodan ku wada ciyaaray kulankoodii labaad ee dhanka Group-yada koobka koobabka dalka ee Jeneraal Daa’uud kaasi oo dhowaan ka furmay garoonka Stadium Muqdisho, isla markaana ay ka qeybgalayaan ilaa 16-kooxood oo kamida kooxaha heerarka kala duwan ee u diiwaan gashan xiriirka kubadda cagta Soomaaliya.

Kulanka Labada kooxood oo kutirsanaa Group A, waxaa uu ku biloowday dar-dar iyadoo labada kooxood ay qalbiga ku hayeen iney u baahan yihiin guushii ugu horeeysay ee tartanka maadaama ay guul daro ku biloowdeen kulamadii ay soo ciyaareen, waxaana ay dhinacyadu ay sameeyeen isku dayo ay ku doonayeen iney shabaqa ku gaaraan waxaase qqeybtii hore ay kusoo dhamaaday gool la’aan 0-0 oo lagu kala nastay.

Markii dib loo soo laabtay ayey dhinacyadu sameeyeen sidoo kale kubado weerar ah oo ay ku doonayeen iney goolal kusoo dhaliyaan, laakiin midkoona uma suurto gelin iney shabaqa gaaraan wuxuuna kulanku kusoo dhamaaday 0-0, iyadoo qeybtaasi labaad Kaarka Hurdiga ah loo taagay ciyaaryahan lambarka 16aad ee kooxda Batroolka iyo Lambarka 21-aad ee kooxda Heegan.

Kulanka Xiga HEEGAN oo 1 dhibic waxay la dheeli doontaa  RAADSAN,halka BATROOLKA oo iyana-Dhibic wadata ay la dheeli doonto kooxda HORSEED oo waxaana kulamadan dhici doonaan 4- bisha Oktoobar 2020.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button