General DaauudWARARKA MAANTA

KOOXDA GEESKA AFRIKA OO CASHAR SIISAY JAMHUURIYA KOOBKA JEN.DAA’UUD

Kooxaha Kubadda Geeska Africa iyo Jamhuuriya oo ku wada jira Group-ka D ayaa wada ciyaaray
kulankooda koobaad ee Koobka Jeneraal Daa’uuud kaasi oo weli si xiiso badan leh uga socdo labo
kamid ah garoomada ku yaala caasimadda Muqdisho.


Kooxahan oo ku wada ciyaaray garoonka Jaamacadaha ee degmada Hodan ayaa kulankoodu ahaa mid
xiiso badan waxaana gacan sareeynta iyo fursadaha badnaa kooxda Gesska Africa oo soo qaaday
dhowaan Koobkii Horyaalka heerka Labaad, waxaana qeybtii koobaad u suurta gashay iney helaan Labbo
gool oo ay u kala saxiixeen Bashiir iyo Mustaf sidaa ayaana lagu kala nastay 2-0 oo Geeska Afrika ku
hogaamineyso.


Qeybtii labaad markii lasoo laabtay ayaa sidoo kale kooxda GEESKA AFRIKA halkaa kasii waday
bandhigeedii dhanka weerarka ee goolasha ku baadi goobeysay, waxaana u suurta gashay in saddex gool
dhaliyaan daqiiqadihii 48-aad ,66-aad iyo 88-aad sidaana kulanku kusoo dhamaaday 5-0 oo ay guushu ku
raacday kooda Geeska Afrika.


Garsooraha kulanka ayaa intii uu kulanku socday bixiyey ilaa 5-kaarka Hurdiga ah saddex waxaa qaatay
ciyaartoyda kooxda Geeska Afrika halka 2 kaar la kala siiyey Ciyaartoy Jamhuuriya u dheela oo uu kujiro
goolhayaha.

kulamada kale ee xiga GEESKA AFRICA waxay wajihi doonaan kooxda MIDNIMO oo iyaguna Guul
soo gaaray halka kooxda JAMHUURIYA ay is arki doonaan ELMAN oo iyadana guul daro soo gaartay
waxayna kulamadaasi dhici doonaan 3-da bishan Oktoobar.


W/D: C/xafiid Zaciimka & Axmed Daacad

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button