General DaauudWARARKA MAANTA

Kooxda Jeenyo oo Si Fudud uga talaabsatey dhigeeda Saxafi FC Koobka Jen-Daa’uud

Kooxaha Kubadda Cagta ee Jeenyo iyo Saxafi oo ku jira Group-ka,C ayaa wada ciyaaray kulankooda ugu
horeeyey ee Koobka Jeneraal Daa’uuud waxayna labada kooxood soo bandhigeen ciyaar aad u sareeysay
oo ka dhacday garoonka Jaamacadaha ee degmada Hodan Gobolka Banaadir.


Kooxda Jeenyo oo ah kooxda ugu hanashada badan koobkan Jeneraal Daa’uud marka dib loo eego
taariikhda koobkan tan iyo xiligii uu soo biloowdey ayaa u Muuqatay mid xoogaa ka awood badneyd
kooxda Saxafi,waxayna heleen fursado dhowr ah oo goolal loo filan karay, inkastoo qeybta koobaad
daqiiqadii 12-aad ay heleen goolka hogaanka u dhiibey waxaana u dhaliyey ciyaaryahankooda Lambarka
11-aad, C/Craxmaan maamaanka..


Qeybta labaad markii lasoo laabtay garsooraha kulanku wuxuu bixiyey 2 kaarka Hurdiga oo ay qaateen
ciyaaryahano ka tirsan kooxda Saxafi, Kooxda Jeenyo ayaa sii waday weerarkii ay ku qaadeeysay goosha
kooxda Saxafi oo dhankooda u muuqdey kuwo daafac galay,waxaana arintaasi ay keentay in
Ciyaaryahanka Lambarka 9-aad ee Jeenyo Axmed Suuji oo kooxda ku cusub halkaasi is raacsado
saddexleey daqiiqadihii 60,67,iyo 86-aad, sidaana guud ahaan kulanku 4-0 guushu ku raacday kooxda
Jeenyo.


Kooxda JEENYO oo guul ku furatay Tartanka ayaa kulankeeda xiga waxay la dheeli doontaa WAXOOL
halka SAXAFI FC oo guul daro qabtama ay wajihi doonto kooxda DEKEDAHA oo guul ku
naalooneysa waxayna kulamadaan dhici doonaan 2-da bishan Oktoobar.
W/D: C/xafiid Zaciimka & Axmed Daacad

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button