General DaauudWARARKA MAANTA

KULANKII DEKEDDAHA IYO WAXOOL EE KOOBKA JEN.DAA’UUD OO NATIIJO LAMA. FILAAN AH LAGA SOO CALAAMADEYEY

Kooxaha Kubadda Cagta ee Dekedahha iyo Waxool oo ku jira Group-ka C ayaa wada ciyaaray
kulankooda koobaad ee Koobka Jeneraal Daa’uuud waxayna labada kooxood soo bandhigeen ciyaar aad
u adkeyd oo ka dhacday garoonka Eng-yariiisoow Ex Conis degmada C/Casiis Gobolka Banaadir.


Wallow Labada Koox oo ay ka muuuqatay Diyaar garoow aad u sareeysay ayaahaddana kooxda
DEKEDAHA u Muuqatay mid xoogaa ka awood badneyd kooxda Waxool, maadama ay aad uga
wanaagsaneyd kubad heeysashada iyo fursado abuurista, taasoo Dekedaha ugu suurta gashay iney
ciyaarta hogaanka u qabtaan daqiiqaddii 20-aad markii kubad Laad Xor ah oo loo dhigey gool u bedelay
ciyaaryanaka Lambarka 15-aad Qadar Yuusuf Faarax.


Garsooraha kulanka ayaa qeybta koobaad Kaarka Hurdiga ama jaalaha siiyey Ciyaaryahan Kooxda
Waxool u dheela ee lambarka 6-aad u qaata Axmed Xassan Saneey kaasi oo qalad ku galay Lambarka 12-
aad ee dekedda, waxaase qaladaadkaasi ay galayeen kooxda Waxool keentay in laga dhaliyo goolkii 2-
aad, oo uu DEKEDDAHA u Saxiixay Ciyaaryahan Rymond Mbugua oo lambarka 9-aad u qaata sidaa
ayaana lagu kala nastay 2-0 oo ay hogaanka ku hayeen kooxda Dekeddaha.


Qeybta labaad markii lasoo laabtay Kooxda Dekeddaha waxaa ay sameeyeen bedelkii ugu horeeyey iyaga
oo keensay Ciyaaryahan Cabaas Amiiin Cali waxayna taasi u sahashay iney halkii kasii dhaliyaan goolal
kale,Ciyaaryahan Qadar Yuusuf ayaa markale Shabaqa dhaafay isagoo dhaliyey goolka saddexaad
kulanka iyo midkiisii 2-aad, sidoo kale ciyaaryahanka khadka dhexe Lambarka 23-aad Cali Cabdi aadan
ayaa 2 gool dhaliyey daqiiqadii 73-aad iyo 93-aad waxaana u dhexeeyay gool uu u saxiixey Dekedda
xidigooda Lambarka 17-aad Cabdi Walli C/Raxmaan sidaasidna 6-0 lagu dharbaaxay kooxda Waxool.


Kooxda Dekedda oo guul aad u sareeysa ku furatay Tartanka ayaa kulankeeda xiga waxay la dheeli
doontaa SAXAFI FC oo guul daro qabta, Halka Kooxda WAXOOL ay wajihi doonto kooxda JEENYO
oo guul kasoo qaaday Saxafi waxayna kulamadaan dhici doonaan 2-da bishan Oktoobar.


W/D: C/xafiid Zaciimka & Axmed Daacad

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button