General DaauudWARARKA MAANTA

MAXAAD KALA SOCOTAA KULANKII KOOXAHA ELMAN & MIDNIMO EE KOOBKA JEN.DAA’UUD

Kooxaha Kubadda Cagta Elman iyo Midnimo oo ku wada jira jira Group-ka D ayaa wada ciyaaray
kulankooda koobaad ee Koobka Jeneraal Daa’uuud kaasi oo weli si xiiso badan leh uga socdo labo
kamid ah garoomada ku yaala caasimadda Muqdisho.


Kooxahan oo ku wada ciyaaray garoonka Eng-yariisooow ee degmada C/casiis ayaa si weyn ugu soo
diyaar garoobay tartankan ayaa muujiyey ciyaar adkeysi ku dheehan oo dhanka kalena weerar iyo weerar
celis ahayd, waxaana kooxda Elman ay sameeyeen ilaa labo fursadood oo gool lagu dhalin karay hase
yeeshee aysan u suurta gelin, laakiin Fursadiid ugu wanaagsaneyd garoonka qeybtaasi hore waxaa heshay
kooxda MIDNINO oo ka faa’ideysatay daqiiqadii 32-aad xiligaasoo gool uu u saxiixey ciyaaryahanka
Lambarka 7-aad, Mahad Maxamed Xalane.


Wixii goolkaasi ka danbeeyey Elman waxaa ay Sameeyeen Is bedelo iyagoo garoonka ka saaray
Ciyaaryahanada Cumar Xuseen Suleymaan iyo Marshial, waxaana la bixiyey Xaajoow iyo Maxamed
Cismaan Abuukar, hase yeeshee qeybtaasi koobaad waxaa lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaanka ku hayeen
kooxda Midnimo.


markii lasoo laabtay ayey labada kooxood sameeyeen isku dayo iyadoo kooxda Elman ay dooneeysay
iney iska soo celiso goolka lagu lahaa, laakiin kooxda Midnimo ayaa taasi diidey oo is difaacday,
waxayna ciyaartu kusoo dhamatay 1-0 oo ay guushu ku raacday kooxda MIDNIMO oo halkaa ku heshay
saddexdii dhibic ee kulanka Group D.


Garsooraha kulanka ayaa Kaarka Guduudka siiyey oo ciyaarta ka saaray Ciyaaryahan Jamaal
C/Raxmaan Axmed oo kooxda Elman bedel ay ku keentay, kaasoo gacan u qaaday ciyaaryahan katirsan
Midnimo daqiiqadii 84-aad, waxaa sidoo kale la bixiyey Labo Kaarka Hurdiga oo la siiyey ciyaaryahano
Elman ka tirsan gaar ahaan Lambarada 6-aad iyo 15-aad.


kulamada kale ee xiga MIDNIMO waxay wajihi doontaa kooxda GEESKA AFRICA halka kooxda
ELMAN ay is arki doonaan JAMHUURIYA waxayna kulamadaasi dhici doonaan 3-da bishan Oktoobar.


W/D: C/xafiid Zaciimka & Axmed Daacad

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button