Breaking NewsGeneral DaauudWARARKA MAANTA

MUXUU KU DHAMAADAY KULANKII HORSEED IYO RAADSAN EE KOOBKA JEN-DAA’UUD

Waxaa garoonka kubadda cagta ee Eng-yariisoow ka dhacay kulan katirsan kulamadii labaad ee dhanka groupyada koobka Jeneraal daa’uud kaasi oo uu soo agaasimey xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, isla markaaana ay ka qeybgalayaan ilaa 16 kooxood.

Ciyaarta labada kooxood oo ku tirsaneyd Group A,waxay ku bilaabay dar dar xoogan oo weerar ku dhisan waxaana kooxda Horseed oo guul kusoo biloowdey kulankii koobaad ay heshay gool daqiiqadii 32-aad waxaana u saxiixay ciyaaryahankooda Hanad,

iyadoo wixii xiligaa ka danbeeyey kooxda Raadsan ay sameeyeen isku dayo ay doonayeen iney kusoo celiyaan deynta lagu lahaa hase yeeshee wuxuu kulanku kusoo dhamaaday qeybta hore 1-0 oo ay ku hogaaminayaan kooxda Horseed, waxaana ay labada dhinac heleen mid 4-gees kalaad iyadoo garsooraha ciyaarta uu bixiyey qeybtaasi ilaa 5-kaarka digniinta ah ee Jaalaha 4 kamid ah ay qaaten ciyaartoyda kooxda Horseed, waxaana Dhaawac ku baxay ciyaaryahan Cadaani Barre oo lambarka 11-aad,u qaata Horseed, waxaana soo galay Lambarka 10aad Farxaan Duqoow.

Qeybtii labaad ee kulanka waxaa halkii kasii socday weerarkii labada kooxood, waxaana xusid mudan in kooxda Horseed ay heshay markale gool waxaana u saxiixay ciyaaryahanka bedelka lagu keenay dhamaadka qeybta labaad Farxaan Duqoow daqiiqadii 52-aad, hase yeeshee Raadsan isma dhiibin waxaana ay sameeyeen dadaal ay ku doonayeen iney ku gaaraan diilinta 18-aad ee Horseed waxaana u suurta gashay daqiiqadii 57-aad inuu gool madax ku dhaliyo weeraryahanka ku cusub kooxda Raadsan ee u dhashay dalka Nigeria Emmanuel Ifeanyi,

Kooxda Horseed ayaa sameeysay bedel iyadoo bedel lagu saaray ciyaaryahano uu kamid yahay Xasaasi, laakiin taasi waxba kuma soo kordhin in Horseed ay difaacdaan natiijada iyoo goolka u maqnaa waxaana gool kale oo ciyaarta simay u dhaliyey kooxda RAADSAN ciyaaryahan Lambarka 7-aad oo lagu magacaabo Bashiir daqiiqadii 62-aad ee kulanka sidaa ayeyna labada kooxood ku kala bexeen bar baro 2-2.

Kulanka Xiga RAADSAN oo 4 dhibic waxay la dheeli doontaa  HEEGAN oo dhibic keliya wadata,halka HORSEED oo 4-Dhibic wadata ay la dheeli doonto kooxda BATROOLKA oo iyana dhibic leh,waxaana kulamadan dhici doonaan 4- bisha Oktoobar 2020.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button