General DaauudWARARKA MAANTA

MUXUU KU DHAMAADAY KULANKII KOOXAHA GAADIIDKA IYO MCC EE KOOBKA JEN.DAA’UUD

Kooxaha Kubadda Cagta ee Muqdisho City Club & Gaadiidka oo ku jira Group-ka B ayaa wada ciyaaray kulankooda koobaad ee Koobka Jeneraal Daa’uuud kaasi oo weli si xiiso badan leh uga socdo labo kamid ah garoomada ku yaala caasimadda Muqdisho.


Kooxahan Gaadiidka iyo Muqdisho City oo kamid ah kooxaha heerka Koobaad ee dalka oo ku wada ciyaaray garoonka Eng-yariisooow ee degmada C/casiis ayaa kulankoodu ahaa mid adag oo ay kusoo bandhigeen ciyaar adag, waxaana ay sameeyeen weerar iyo weerar celis, waxaana qeybtaasi koobaad oo lagu kala nastay bar bar dhac gool la’aan ah, la bixiyey hal kaar Hurdi ah oo uu qaatay ciyaaaryahan no 11-aad u qaata Gaadiidka oo lagu magacaabo DAANYA daqiiqaddii 30-aad.


Qeybtii labaad markii lasoo laabtay ayey labada kooxood sameeyeen isku dayo iyadoo kooxda MCC ay sameeysay Bedelkii ugu horeeyey, daqiiqadii 66-aad waxaana la bixiyey QEYS oo No-16aad u qaata, waxaana la keenay ciyaaryahanka No-10 u qaata oo lagu magacaabo Feysal Xaashi, sidoo kale Khaliif oo lambarka 29aad ayaa lagu bedelay Cabdalla Ismaaciil, halka dhanka kooxda Gaadiidka ay garoonka keeneen Xassan Cabdi Xasan iyo Najiib Maxamed oo lagu kala bedelay Yaxye iyo Daanya oo kaar Jaalle la siiyey.


Kulanka ayaa guud ahaan Kusoo dhamaaday bar bar dhac gool la’aan ah, waana kulankii ugu horeeyey ee aan wax gool ah leyska dhalin tan iyo markii uu Koobku biloowday, waxaana xusid mudan in Garsoore C/Kaafi Xassan Shiine uu Bixiyey ilaa 6 Kaar Hurdi ah, Kooxda Gaadiidka ayaa la siiyey ilaa Shan Kaarka Hurdiga ah halka Kooxda MCC hal ciyaaryahan uu ka qaatay.

kulamada kale ee xiga MCC waxay wajihi doontaa kooxda G. AFGOOYE halka kooxda GAADIIDKA ay is arki doonaan BADBAADO waxayna kulamadaasi dhici doonaan 1-da bishan Oktoobar.


Tartankan Koobka Gen-Daa’uud ayaa ah Koob ay ku Xisaabtamaan kooxaha Dalka iney ku guuleystaan, waxaana ka qeybgala kooxaha kaalimaha hore kasoo gala horyaalada kala duwan, iyadoo sanadkan ay ka qeybgalayaan ilaa 16-kooxood, oo loo qeybiyey 4 Group,


Koobkan oo ah koob ay ku dagaalamaan kooxaha dalka ayaa midkii ugu danbeeyay waxaa ku guuleeysatay oo difaacaneysa kooxda Horseed,waxaana lagu kala ciyaari doonaa labada garoon ee Eng-Yariisow Stadium & Jaamacadaha.
W/D: C/xafiid Zaciimka & Axmed Daacad

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button