General DaauudWARARKA MAANTA

SAWIRRO: KOOBKII GENERAAL DAA’UUD 2020 OO SI RAHMI AH UGA FURMAY GAROONKA STADIUM MUQDISHO.

Tartanka kubadda cagta ee Generaal Daa’uud ayaa si rasmi ah uga furmay garoonka Muqdisho Stadium,waxaana kulanka furitaanka kasoo qeybgaley Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Khaddiijo Maxamed Diiriye iyo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga XFS Xassan Xuseen Xaaji, Gudoonka sare ee XKCS, Xilibaano iyo Mas’uuliyiin kale, waxaana kulankii ugu horeeyey ee furitaanka nasiib u yeeshay kooxaha sida aadka u xafiltama ee Horseed iyo Heegan.

Ciyaarta labada kooxood ayaa ahayd mid adag oo kooxuhu usoo galeen diyaar garoow wanaagsan tan iyo markii uu soo dhamaaday horyaalkii kubadda cagta ee dalka, waxayna labada kooxood soo bandhigeen ciyaar aad u sareeysa oo weerar iyo weerar celis ku saleeysneyd.

Qeybta koobaad ee ciyaarta daqiiqadii 7aad ayey u suurta gashay kooxda Horseed iney hogaanka u qabtaan ciyaarta, markii weeraryahankooda Joshua Abdalla uu shabaqa dhigey kubad si fiican loogu keenay, hase yeeshee 21-daqiiqo kadib Heegan oo muujisey adkeeysi ayaa iska soo celisey deynta lagu lahaa markii daqiiadii 28aad Axmed Foowzi uu ka dhigey 1-1, sidaa ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee kulanka.

Hase yeeshee markii dib loo soo laabtay ayey labada koox halkii kasii wadeen weerar iyo weerar celis, inkastoo dhaqaaqa halista gelin karay shabaqa mar waliba ay ku wanaagsaneyd kooxda Horseed, waxayna taasi u sahashay in markale daqiiqadii 65aad Ciyaaryahan Joshua Abdalla uu dhaliyo goolkiisii 2aad kulankana ka dhigey 2-1.

Waxaa halkii kasii socday dhaq dhaqaaqii labada kooxood,xili Heegan ay dooneysay iney soo celiso markale deynta lagu lahaa iyo Horseed oo rabtay iney kasii fogaato oo goolal kale ay dhaliso,hase yeeshee wuxuu kulanka kusoo dhamaaday 2-1 oo ay guushu ku raacday kooxda Horseed.

kulamada kale ee xiga HORSEED waxay wajihi doontaa kooxda RAADSAN halka kooxda HEEGAN ay is arki doonaan BATROOLKA waxayna kulamadaasi dhici doonaan 30-ka bishan September.

Tartankan Koobka Gen-Daa’uud ayaa ah Koob ay ku Xisaabtamaan kooxaha Dalka iney ku guuleystaan, waxaana ka qeybgala kooxaha kaalimaha hore kazoo gala horyaalada kala duwan, iyadoo sanadkan ay ka qeybgalayaan ilaa 16-kooxood,waxaana lagu kala ciyaari doono labada garoon ee Stadium Muqdisho iyo Eng-Yariisow Stadium.

Burburka ka dib waa markii labaad ee koobka J/Daauud lagu qabto garoonka Muqdisho kan kii ka horreeyay wuxuu ahaa 2000

Koobkaan waa kii 29aad,Burburka ka dibna waa kii 12-aad.

17 koob waxaa la qabtay xilligii dowladda kacaanka.

C/xafiid Zaciimka

Astaan Sports Muqdisho

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button